Jaamacadda Edna Oo 40 Arday Gudoonsiiyey Qalabka Loo Adeegsado Dhalmada

0
555

Picture1Hargaysa(Geeska)- Jaamacadda  Edna University ee magaaladda Hargeysa ayaa  qalabka lagaga umuliyo haweenka xiliga foosha ku wareejisay 40 arday oo muddo baranayay xirfada kal-kaalisinmada, ardaydaas oo ka kala yimi gobolada dalka. Aadna Aadan Ismaaciil guddoomiyaha jaamacadda ayaa tafaasiil ka bixiysay muhiimada ay leedahay umulisadu iyo siday ay hooyooyin badan u bad-baadiyaan wakhtiga foosha iyadoo ardayday ku dhiirisay in ay dalkooda u shaqeeyaan, kaal-meeyaan bukaanka iyagoo daryeelaya. “dad badan ayaa inagaga dayacan oo magaalooyin badan ayaan lahayn umulisooyin, degmooyin badan ayaa sababa waxa lagaga qaban kari lahaa hooyada umulaysaa ay u dhinataa, dareenkaas iyo dam-qashadaas ayaa keenta in ay Somaliland u baahan tahay lix boqol oo umiliso, laakiin aniga Adna ahaan waxaan qabaa in aynu u baahanay kun iyo dheeraad dadka iyo dalka oo kala firidhsan awgeed, himiladaas la gaadhay 2006 ilaa 2007 ayaa ina soo gaadhsiiyay inaad idinku noqotaa kooxdii saddexaad ee tababarkan soo marta”

intaas waxa ay ku dartay guddoomiyaha jaamacadda Adna Aadan Ismaaciil. “waxaan qabaa hadaynu sii wadno tababarka la siinayo umulisooyinka inay inaga yaraan doonaan hooyada u dhimanaysa xiliga foosha, waxaan si adag si qiimo leh iyo si buuxda ugu mahad naqayaa UNFPE oo mashruucani aanu la’aantood dhamaystir-meen, wasaarada caafimaadkana iyana waan u mahad naqayaa.

Edna Aadan ayaa ardaydii dhamaystay barashada umulisanimada ku wareejisay qalabka hooyada uurka leh u sahlaya in lagaga umuliya iyada oo ardaydana kula dardaarantay in ay ilaaliyaan qalabka. Sidoo kale Edna Adan waxay u mahad naqday Haay’adda  ka caawisay qalabkan. “Laba Hay’addood ayaa naga caawiyay qalabkan oo kala ah midwife kit iyo hay’adda Direct relief waanan u mahad naqaynaa waxaanan doonaynaa inaan xusn”.

Ayaan Cabdi Xussen oo ah macalimadii waxa soo baraysay ardayda ayaa iyaduna ka warantay maraaxilka kala duwanaa ee ay soo mareen ardaydu iyada oo uga mahad naqday dhabar adayga ay muujiyeen iyo wakhtiga ay galiyeen sidii ay dalkooda ugu shaqayn lahayeen. “Saddex qaybood ayaa qalin jabiyay ardaydu waxa ay ka kooban tahay 103 arday kooraskii ugu horeeyay waxa uu ahaa 21 arday oo ka tirsan gobolada oo aanay ku jirin hargaysa, waxaana ay kala ahayeen Sool, Sanaag, Todheer, Boorama, Salal, kooxda 2-aad waxa uu ahaa 42 arday waxaana ay iyagu ka koobnayeen gobolada oo dhan, lakiin waxa jiray afar arday oo aanu cusbitaalka kaga darnay, guruubkii saddexaad waxa uu ahaa 40.

Cali Sheekh oo ah agaasimaha caafimaadka qoyska ee wasaarada caafimaadka oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ugu mahad naqay Edna Aadan dadaalka ay maalin kasta galinayso sidii ay u soo saari lahayd jiil cusub oo dalka anfaca kana bad-baadiya hoyooyin badan marka ay ku jiraan xaalada fooasha, waxaanu cadeeyay in ay wasaaradda caafimaadka isla shaqeeyaan jaamacadda Edna, ardayda waxa uu ku gubaabiyay cilmigan ay barteen inay ku anfacaan dalkood iyo dadkooda.

masuul sare oo ka socday haay’adda EFPI ayaa ugu mahad naqay isaguna jaamacadda Edna dadaalka dheer ee ay ugu jirto in umulisooyin la gaadhsiiyo deegaanka miyiga ee looga baahan yahay.