Guddoomiyaha Guddiga Degmooyinka Maxamed Mooge & Maxamuud Haybe Oo Ka Waramy Qorshahooda Shaqo

0
523

TareedhHargeysa(Geeska)- Gudoomiyaha guddida Horumarinta ee Degmooyinka  Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe, Xaaji Cumar Daahir (Cumar-Tareydh) ayaa soo bandhigay  qorshaha sanadka soo socda ee horumarinta Degmooyinkaasi.

Cumar-Tareydh waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu ku wehelinayo Xoghaye Garaad Mahad Maxamed oo maanta nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiiyey Shabakada Hayaannews.   Waxa kale oo uu qoraalkiisa uu dadweynaha ugu baaqay in la  bixiyo Cashuuraha dhulka, isla markaana waxay guddidu mahad-celiyeen  Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) sida fiican ee ay u wada shaqeeyaan. Waxaabay kala yihiin waxyaabaha ay guddidu kala shaqeynayo Maayirka iyo dawlda sannada soo socota.1- Sharkadaha Laydhku inay  Shidaan oo laanbado ku xidhaan dhamaan Laamiyada Waa-weyn ee Degmooyinkan oo ay ugu horeyaan TOTAL ilaa laga gaadho Qudhac-dheer iyo meelaha kale ee u baahan SECURITY LIGHTING

2. Goolada  TOTAL ku taalay Ubax ha lagu beero oo bilicdeeda kor loogu qaadayo

3. Suuqa INJI in la furo oo hala soo raro  suuqan WAAHEEN wadhatadiisa

4. Sharkadaha Qashinka ha la kormeero iyada oo ay guddidu bishii-ba mar war-bixin ha ka qoraan meelaha qashinku yaalo.

5. In la  baneeyo Biyo mareenada

6. Maayirku Magaalada Daraasad ha ku sameeyo oo Jaamacadaha iyo Un Habitat la la Kaashanayo sidii biyo mareeno iyo habka bulaacadaha Casriga ah Magaalada loogu samey lahaa 

7. Guddidu waxay  Mareeyaha Biyaha iyo Wasiirka Biyaha-ba kala shaqaynayasa sidii Degmooyinkani  Biyo u heli lahayeen iyadoo la dadajinayo Mashaariicda Biyaha.

8. In Basaska loo sameeyo meelo ay istagaan oo BUS STOP ah.

9. In Saldhigyo Boolis la dhiso oo layska Kaashado.

10. Xabaalaha waa in la deyro Degmooyinkani oo dhir lagu beero”