Jaamacadda ADMAS Oo Bilowday Waxbarashada Post Graduate

0
627

Picture2Hargeysa (Geeska) – Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa shalay lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo lagu daah-furay Waxbarashada sare ee (Post Graduate) oo Jaamacaddu shahaadadeeda bixin doonto.

Xafladda lagu daah-furayey Waxbarashada sare ee (Post Graduate) oo Jaamacaddu shahaadadeeda bixin doonto oo ay ka qayb-galeen Madaxa Jaamacadaha ADMAS ee qaybaha kala duwan ee Hargeysa iyo Addis-ababa iyo masuuliyiin tiro badan oo kale, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Madaxwaynaha Jaamacadda ADMAS qaybteeda Hargeysa, waxaanu faahfaahiyey Tacliinta sare ee ay jaamacadda soo kordhisay ee (Post Graduate).

Madaxwaynaha Jaamacadda ADMAS-Hargeysa Ixsaan Cumar oo arrimahaa faahfaahinayaana waxa uu yidhi “Waxaa caawa (xalay) farxad weyn noo ah inaanu xafladdeenan ku daah-furayno barnaamijka Post Graduate oo ay Jaamacaddu in  muddo ah xidhiidhadeedii ay ku heli lahayd raadisanaysay”

Mr Ixsaan Cumar, waxa kale oo uu sheegay inay ku guulesyteen inay Jaamacaddo ay ka mid tahay Lubeck University of Appliied Science oo caalamka caan ka ah ay ku qanciyaan in Admas waxbarashadooda qayb ku yeelato, taasina ka caqbaleen, waxaanu sheegay in barnaamijyada (Post Graduate) la bilaabi doono sanadka fooda inagu soo haya “Waxaanu ugu bushaaraynaynaa dadweynaha jecel waxbarashada in marka la  gaadho sanadka cusub bisha January si toos ah uga bilaabi doono Barnaamijyadani JaamacaddaAdmas” ayuu yidhi Ixsaan.

Mr Gobal oo ku hadlayey magaca Malimiinta Jaamacadda Admas, ayaaa yidhi “Farxad bay noo tahay inaan Jaamacadda ku soo kordhinay qayb muhiim ah oo aanu muddo ku taamaynay”

Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, oo isaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aniga oo ku hadlay magaca Wasaaradda waxbarashada waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Jaamacadda Admas, waayo waxaanu intaa eegaynaa oo aanu isha ku haynaa sida ay u kala sareeyaan Jaamacadaha dalka ka jira markaa Admas waanu ugu mahadcelinaynaa kaalinta ay kaga jirtoTacliinta sare ee dalka ka socota”

Munaasibadda, waxa ugu dambayn ka hadlay isla-markaan soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid.