Wargeyska Hubaal Oo Hay’adaha Amniga Ugu Baaqay Inay Xabsiga Ugu Soo Celiyaan Ninkii Weeraray

1
807

Picture1Hargeysa, (Geeska)-Masuuliyiinta Wargeyska Madaxa Bannaan ee Hubaal, ayaa  markii ugu horraysay si Toos ah uga Hadlay Tallaabada ay maxkamadda Ciidanku ku sii daysay  Hoggaamiyaha Falkii Isku dayga dilka ahaa ee Bilowgii sanadkan lagu soo qaaday Xarunta wargeyska Hubaal.

Masuuliyiintan oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay  Hutel Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku dheeraaday muddadii dheerayd ee uu ninkaasi xidhnaa iyo sida aanay  xukuumadda iyo Booliska oo is Huwani  iskugu lurin inay kiiskaas ka gun gaadhaan.

Ugu horrayn Tifaftiraha wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey Nidaamkii uu kiiskani ku bilaabmay iyo  sidii ninkan looga sii  daayey jeelkii uu ku xidhnaa, “Axmed Xasan Xaashi(yaanyo) oo ka mid saraakiisha booliska ee saldhiga  M/mooge oo muddo Toddoba Bilood ah u xihdnaa arrintan weerarka Hubaal, ayaa la sii daayey iyadoo aan dhibannayaashii wargeyska aan waxba lagala socodsiinin, kiiskiina aan wax Baadhitaan ah lagu samaynin.” Ayuu yidhi Xasan Xuseen Cabdilaahi.

Xasan Xuseen waxa uu sheegay inaan intii uu ninkani xidhnaa Maxkamadda iyo laamaha amniga midkoodna qaadin wax tallaabo ah oo ay ku soo qabanayaan  kooxdii ninkan ku wehelinaysay weerarkan, waxana uu yidhi,  “Muddadii uu xidhnaa waxba dhinacayaga lagala socodsiinin oo aan wax Baadhis ah  lagu samaynin, iyadoo aan la baadi doonin raggii kale ee la socday ee hawsha la fuliyey.”

Xasan Xuseen oo faahfaahinaya Nidaamkii lagu sii daayey ninkan Dambiilaha ah oo haatan xorriyad ku jooga, ayaa yidhi, “24-kii bishan  ayey saraakiil ka mid ah ciidanka Booliska oo kiiskan gacanta ku  hayey, iyagoo gacanta ku siday warqad ay ku sheegeen inay Saman maxkamadda ciidanka Militarigu ugu yeedhayso dhibanayaashii kiiskan, waxana warqaddaas ku xusnaa Maxamed Axmed Jaamac iyo Maxamuud Muxumed Faarax(laf cambe) oo dhibanayaal ka ahaa, waxana ay noo sheegeen in maxkamadda militarigu furayso kiiskii oo la doonayo in dhibanayaashu ay dhegaystayaal ka noqdaan,warqaddaas waxay doonayeen inaanu saxeexno, balse annagu waxanu ka warhaynay in eedaysanuhu uu sheegay in 26-ka bisha oo ah maalinta dacwadda la muddeeyey in la sii dayn doono, iyadoo ay taasi jirto ayey dalbanayeen inaanu fadhiga ka qayb galno wayna noo Cuntami wayday inaanu kiis jaban oo eedaysanihii la sii daynayo aanu ka xaadirno.”

Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatadda laf jabka ah ee kiiskan heshay ay tahay inaan cidiba baadhin oo aanay ka hawlgelin sidii loo raadin lahaa dambiilayaasha maqan iyo ciddii soo agaasintayba,  “mushkiladda ugu weyn ee kiiskyaga ku dhacday waa Baadhis xumo, saakana waxanu Guddoomiyaha maxkadda ciidanka isku qabsanay in nala siiyo Eeddii lagu eedaynayey ninka Eedaysanaha ah, waana naloo diiday, kiiskayagu waxa uu ku joogaa Habeenkii aanu ninkaas qabanay ee aanu saldhiga geynay Qoraalkii ugu horreeyey ee nalaga qoray mid labaadna annaga iyo isagaba nalaga qorin, waxana nasiib darro ah in maanta oo ay toddoba Bilood ka soo wareegtay xeer ilaaliyaha maxkadda ciidamadu uu na weydiiyo ninkii aanu soo  qabanee ma garanaysaan,  sidii aanu kanba u soo qabanay ayey ka kalena nooga sugayeen inaanu soo qaabano, caddaaladdii waddankuna halkaasay maraysaa.” Ayuu yidhi Maxamed axmed Jaamac (caloolay) waxana uu intaas ku daray, “Waxa wax lala yaabo ah askari ciidan ah oo Dembi galay oo maxkamad taagani la yidhaahdo Caaqil baa damiintay, taasina wax la aqbali karo ma aha, kiiskayaguna meelna kama diiwaangashana oo lama marin Tallaabooyinkii sharci  ee kiisaska noocan oo kale ah la mariyo”

Maxamed axmed Jaamac ayaa dareen jidhidhico leh ka bixiyey in maanta uu Hargeysa dhex taxaashayo ninkii Aqalkiisa ugu soo galay ee rasaasta la  ku furay, waxana uu yidhi,  “ninkii dhibtaa noo geystay ee rasasta nala dhacay maanta Hargeysa ayuu joogaa, waxanu ka codsanaynaa labada Gole qaran siiba Golaha wakiillada Guddidiisa Arrimaha  Gudaha in Baadhis madax bannaan lagu sameeyo kiiskayagaas, maadaama oo uu Baadhis-xumaystay, Cuqaasha, waxgaradka iyo salaadiinta Somaliland waxanu ugu baaqaynaa inay sunnahaas Foosha xun ee maanta la Banneeyey ka hadlaan oo ka dhiidhiyaan.”

Waxa Maareeyaha wargeyska Hubaal Baaq cod dheer ah u diray xukuumadda Somaliland, isagoo sheegay in Hadii muddo cayiman lagu  soo celin waayo jeelka ninka kiiskan loo haysto ay Soo Abaabuli doonaan Mudaharaad ay xaqooda ku raadsanayaan bulshada caalamkana ugu sheegayaan caddaalad darrada lagu hayo, waxana uu yidhi,

“xukuumadda waxan u sheegayaa  Haddii aan 48-ka Saacadood ee soo socda aan  jeelka lagu soo celin ninkaas inaanu madaharaad Ballaadhan aanu arrintaas kaga jawaabayno, kaas oo Maalinta Salaasada Saxaafadda Madaxa Bannaan iyo Hay’adaha kale ee Xoriyatul qowlka u doodaa ay iskugu iman doonaa Agagaarka Garoonka Kubadda gacanta ee Tima-cadde.”

Muuse Yuusuf Maxamed oo ah Garyaqaan Sharci-dhaadhi muddo badan ku soo Jirey Saaxadda sharciga, ayaa farta ku fiiqay inaanay maxmaddu xaq u lahayn inay kiiska qarsoodi u qaado, waxana uu xusay in muwaadinku xaq u leeyahay inuu la socdo dhaqdhaqaaqa kiiskiisa maxmadda ku jira, waxana uu yidhi, “maxmadaha qaranka marka xeerka  la eegayo wax kiis ah oo qarsoodi ah la sameeyaa ma jirto, dhibanuhuna waxa uu xaq u leeyahay inuu la socda Dhaqdhaqaaqa Kiiskiisa iyo hadba meesha uu marayo, wax sir ahna ma aha, Yeedhmada xaq looguma laha dhibanaha, dembiga noocan ah ee dilka ahina waa mid culus ninkan eedaysanaha ahina waxa uu marka hore uu dambi ka galay Qaranka.”

 

Comments are closed.