Dekeda Berbera Oo Kaalinta 2aad Ka Gashay Qiimeynta Carwo Caalami Ah Oo Ka Dhacday Dalka Itoobia

0
623

Picture3Hargeysa(Geeska)-Carwadda 6aad ee caalamiga ah ee Ganacsiga ee  itoobiya (6th Ethio-chamber international Trade Fair)  oo wacdaro ay ka muujiyeen Wakaalada Dekeda Berbera Oo ka Gashay Kaalinta 2aad taas oo ay ka hormartay shirkada telefoonada ee Ethio-Telecom guud ahaan shirkadihii iyo wakaaladihii kala duwanaa ee kasoo qeybgalay carwada lagu soo bandhigayay ganacsiga iyo adeegyada ay hay’ad kasta ama Shirkad kastaa ka u qabato bulshooyinka ay u adeeto.

Hadaba Carwadan Oo Lagu Qabtay Dalka Itoobiya ayaa waxa ka qeybglay wefti ka socda Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Oo Kala Ahaa Xoghayaha Gaarka ah ee Maareeyaha Dekeda Berbera Cabdiraxmaan Aar Jaamc, iyo Kuxigeenka Madaxa Waaxda Shaqaalaha ee Dekeda Berbera Axmed Haybe warsame waxaanay goobtaasi siweyn ugu soo bandhigeen Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo adeegyada baaxada leh isugu jira dejinta iyo rarista badeecooyinka xoolaha iyo agabka kale qiimaha ay mandaqada ugu fadhido iyo istaraatiijada ay juquraafi ahaan leedahay.

Xoghayaha Gaarka ah ee Maareeyaha Dekeda Berbera Cabdiraxmaan Aar Jaamac Oo Ka Hadlaya Kaalinta ay kasbadeen eelabaad iyo sida ay bulshada reer Itoobiya ugu soo bandhigeen Dekeda Berbera waxa uu yidhi “Carwadani waxxay ahayd tii lixaad ee qabsoonta ee ganacsiga oo ay kasoo qeybgaleen wadamo afrikaan ah safaaradaha yurub ee itoobiya fadhigoodu yihiin sida safaarada swedan oo aanu is ag deganayn iyo ganacsatada afrikaanka iyo itoobiyaanka waxanu runtii usoo bandhignay sida xukuumada somalland iyo maamulka Dekeda Berbera ee Maareeyuhu u horeeyo ay usoo dhaweynayaan ganacsatada afrika iyo itoobiyaba istaraatiijiyada ay leedahay dekedu juquraafi ahaan iyo si ay ugu dhowdahay bulshada reer Itoobiya ee ganacsatada ah waxanu soo bandhignay qoraalo iyo muuqaalo ka hadlaya dekeda oo ay shaqadu ka socoto” ayuu yidhi Xoghayuhu.

Waxaanu intaasi ku daray oo yidhi “bulshada reer Itoobiya waxay ka dharagsanyihiin muhiimada ay leedahay dekeda Berbera hadaba shahaadadan kaalinta labaad ee anu ka galnay carwadani waa guul usoo hoyotay horumarka dekeda iyo xukuumada somaliland waxaanu agaasimayaasha carwadani ka markhaati keceen siday ay dekeda u qaban karto shaqo kasta oo ganacstada afrika iyo itoobiya u baahdaan” ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Kuxigeenka Madaxa Waaxda Shaqaalaha ee Dekeda Berbera Axmed Haybe warsame ayaa isna yidhi “Sharaf weyn ayay noo tahay inaan ka qeybgalnay carwadaasi oo aanu soo hoynay guusha kaalinta labaad sida loo soo bandhigay waxqabaddka iyo hawlkarka dekeda caalamiga ah ee Berbera”

Dekeda Berbera ayaa dadaal weyn ugu jirta sidiiay kasban lahayd ganactasada reer itoobiya oo marinka bada ee berbera isticmaala mustaqablkana la doonayo inay siweyn u isticmaalaan dekeda Berbera Shahaadadan kaalinta labaad ayaa muujinaysa sida ay dekeda Berbera ugu diyaarsantahay Buuxinta kaalintaasi.