Xildhibaan Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Si Adag Uga Hadlay Shirkada Lagu Wareejinaayo Maamulka Dekadda Berbera

0
622

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga UCID, isla markaana ka soo jeeda  Magaalada Berbera,ayaa sharci daro ku tilmaamay in Dekada Berbera ay Xukuumaddu Shirkado ku wareejiso, isaga oo si gaar ah u sheegay sharci daro tahay in heshiiskii ay Xukuumaddu Shirkadahan kula gashay Dekada Berbera in Barlamaanka la horkeenin.

 Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo Wargeyska Geeska Afrika u wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay in haddii Dekada Berbera Shirkado lagu wareejinayo inay tahay in wax laga weydiiyo Barlamaanka, gaar ahaan kuwa u dhashay Magaaladaas, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Madaxweynuhu Maalintii oo Labada Gole hor yimid, waxa uu tibaaxay in Afar Shirkadood jiiraan, oo uu yidhi waxa ay doonayaan inay maalgaliyaan Dekada Berbera, dabadeedna waxa aan ogaaday inay Shirkada kale oo Shanaad soo korodhay, waxaa se wanaagsan in Dawladda marka ay mashruuc noocaas oo kale ah sameeynayso si aanay dadku xasaasiyada uga qaadin in Golaha Wakiilada haddii aanay hor keenaynin in Guddiyada ay hawshani khuseeyso ay horkeento, waxaanu Madaxweynuhu tilmaamay in dad aqoon u leh oo xeerka yaqaana, ay arintan u gudbinayaan oo ay kala tashanayaan, oo dabadeedna hadba tii wanaagsantaa keenayaan,waxaana wanaagsan in Barlamaanku uu gacan ku yeesho, si mad-madawga looga baxo, waxaana la sheegaya in Wasaaradda gudaheeda inay qaarba Shirkad la socdaan, waxaana wanaagsan inay Xukuumaddu wargeliso Barlamaanka, gaar ahaan Guddiyada ay khuseeyso, gaar ahaan Xildhibaanada laga soo doortay meesha”. Xildhibaan Xaamud oo hadalkiisa ayaa mar uu ka hadlaayey Shirkadaha doonaya Dekada Berbea ayaa yidhi “Shirkad walibana wixii ay keentay yaan Xafiisyada la iskaga haysan ee waa in Barlamaanka la horkeena, oo la tusa, oo la yidhaahda qoladaasi waxaas ayey doonaysaa, haddii ay tahay mashriicda Dekada oo la kordhinayo,Shaqaalaha oo la nidaaminayo,maalgashi wanaagsan haddii ay tahay waanu raacsan ahay, balse haddii la wareejinayo Dekada ma raacsanin, waana ka soo horjeednaa”.

Dhinaca kale XIldhibaan Xaamud ayaa sharci daro ku tilmaamay Wakaaladihii Laydhka ee Hargeysa iyo Berbera oo Xukuumaddu ku wareejisay dad Ganacsto ah, isaga oo si gaar ah khalad ugu tilmaamay Wakaalada Laydhka Berbera oo uu sheegay inay shaqaynaysay.

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanadii Xisbiga UCID oo ku kala biiray Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani,waxaanu tilmaamay in aad ugu rajo weyn yahay in Xisbiga UCID ay ku soo biiri doonaan XIldhibaano badan, waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya “Had iyo  jeer dhibaatada jirta ayaa waxa weeye in Xisbul Xaakimku marka uu taladda dalka qabto, in XIldhibaano ku biiraan, dimuqraadiyad hagaagsan maaha, waxaana u arkaa bililiqaysi, bililiqaysiguna dimuqraadiyad maaha, waxaana sharciya in haddii uu Ninku xisi ka soo baxay, oo uu Xisbi kale ku biiro inuu jagadaas baneeyo, oo kii kale ee ku xigay uu meesha soo galo”.