Jaamacada Edna Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay 265-Arday Oo Ka Qalin Jebiyay

0
480

Hargaysa(Geeska):-Munaasibad ay ku qalin-jabinayeen 265-arday oo muddo culuumta caafimaadka ka baranayey jaamacada Edna ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

1

Ardaydan oo ka baxay qaybaha Shaybaadka, Suuxdinta, Caafimaadka Guud, barashada Dawooyinka iyo kal-kaaliyaal waxa ka soo qayb-galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Madaxweyne Ku Xiggeenadii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid, Guddoomiye Ku Xiggeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Wasiiro, Xildhibaano, Salaadiin, Ardayda qalin-jabisay, waalidiin, Aqoonyahan iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan

Maxamed Xuseen Mu'adanka Guddoomiyaha Jaamacada Edna University oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo uu u diray ardayda qalin-jabisay ka dib waxa uu ka waramay mabaadiida tacliineed ee jaamacada Edna waxaana uu yidhi:-“Marka koowaad jaamacadu waxa ay ka duushaa oo mabda u ah baahida waxbarasho iyo saamaynta ay nolosha ku leedahay , waxa ay u eegtaa waxa ay dhigayso ama ay ardayda barayso in ay saamayn la leeyihiin nolosha iyo xaqaaiqa dalka ka jira , jaamacada edna hadafkeedu maaha in ay sannad kasta qaadato arday tiro badan oo dakhli ka soo galo iyo in ay bixiso koorasyo aan loo miidaan dayin, sida aad ka war qabtaan waxbarashada jaamacadani xilligan ay bixisaa waxay ku kooban tahay mihnadaha kala duwan ee caafimaadka oo heer degree iyo heer diploma leh, taas oo ka dhalatay daraasad jaamacadu ku ogaatay baahida dalku u qabo  aqoonyahano iyo mihnadlayaal caafimaad oo tayo buuxda leh ,intaas ka dib jaamacadu waxay u hawl-gashay diyaarinta agabkii iyo adeegyadii ay u baahnaayeen mihnadahaasi , baadi goobkii iyo xulistii Macallimiin khibrad leh iyo helista goobo caafimaad oo waxbarashada ku haboon arimahaas oo dhami ma aha kuwo sahlan”.

Guddoomiyaha Jaamacada Edna Maxamed Xuseen Mu'adanka oo ka hadlayey ardayda qalin-jabisay iyo qaybaha ay ka baxeen ayaa sheegay in ay maanta qalin-jabinayaan 265-arday oo isugu jira heer degree iyo heer diploma kuwaasi oo ka kala baxay qaybaha Shaybaadka, kal-kaaliyaal ,Suuxdinta, Caafimaadka Guud, barashada Dawooyinka.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Aas-aasaha Cisbitaalka iyo Jaamacada Edna oo halkaasi iyaduna ka  hadashay ayaa sheegtay in nabbada ka jirta dalkeenu ay suurto-galisay in dalku gaadho horumar dhinac kasta ah, marwo edna waxa ay dar-daaran dheer u dirtay ardayda qalin-jabisay waxaana ay tidhi:-“ardayda waxa aan leeyahay cilmigii idin galay ha khasaaraynina ,tacab badanbaa idin galay ,waxa wax laydiin barayey in aad qaranka wax u barataan ,umada in aad wax u qabataan, waxa aan doonayaa in sharafta magiciinu xambaarsan yahay in aad mar walba ilaalisaan”.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Madaxweyne Ku Xiggeenka labaad ee somaliland oo halkaasi isna ka hadlay ayaa sheegay in dareen gaara ay munaasibadaha sidan oo kale ahi ay u leeyihiin isaga maadaama oo uu ahaa wasiirkii waxbarashada ee ugu horeeyey Somaliland ,isagoo tilmaamay in uu xasuusan yahay halkii laga soo bilaabay waxbarashada dalka iyo halka ay maanta marayso.

Axmed Yuusuf Yaasiin Madaxweyne Ku Xiggeenkii Hore ee Somaliland oo munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in ardayda maanta ka qalin-jabisay jaamacada edna ay ka duwan yihiin ardayda kale ee ka baxda jaamacadaha kale ee dalka oo ay saaran tahay masuuliyad adag maadaama oo ay barteen culuum la xidhiidha caafimaadka , waxa uu ardayda kula dardaarmay in ay ka soo baxaan masuuliyadaasi la saaray.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi ka hadlay Musharaxa Madadaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ,Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ku hadlayey afka xisbiga Wadani waxa ay dhamaantoodba hoosta ka xariiqeen kaalinta muhiimka ah ay marwo Edna Adan ku leedahay horumarka dalka gaar ahaana dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane oo halkaasi isna hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo uu ku tilmaamay in ay ka shaqaynayso wixii ay baratay taasi oo u suurto-galisay ayuu yidhi in ay ka midho-dhaliso, wasiirka waxbarashadu waxa uu xusay in la joogo xilligii la tayeyn lahaa waxbarashada dalka.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici)  oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ku sifeeyey marrow edna in ay ka mid tahay dadka isbadelka ku sameeyey dalka ee aqoontii ay barteen ka faaideeyey, madaxweyne ku xiggeenka somaliland waxa uu hambalyeeyey ardayda ka qalin-jabisay jaamacada edna isagoo dardaaran u diray ardaydaaasi waxaana uu yidhi:-“ardayda halkan joogta ee labada boqol iyo dhawr iyo lixdanka ah ee halkan ka qalin-jabisay ayaa maanta hambalyada koowaad leh waxa aan leeyahay hambalyo guul ayaan idiin rajaynayaa , aqoontu maanta umadeenii dhisantay ee runtii horumarka gaadhay in ay qiyamka iyo akhlaaqiyaadka ay wax ka badesho ayaa loo baahan yahay, maantana waxa aad ka mid noqoteen aqoonyahanada somaliland ku soo biiray , soo biiritaankiinu waa in uu noqdaa mid ku yeesha raadayn shacabka somaliland guud ahaantii”.

Geesta kale waxa munaasibadaasi hadalo bogaadin iyo mahadnaq u badnaa ka jeediyey Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro) Iyo Suldaan Cawil Maxamed Warsame oo ku hadlayey afka waalidiinta ay ardaydoodu ka qalin-jabisay Jaamacada Edna.

Gabagabadii waxa halkaasi Wasiirka Waxbarashada Somaliland uu shahaadooyinkii ay mutaysteen uu ku guddoonsiiyey 265-arday ee ka qalin-jabiyey jaamacada edna halka sidoo kalena uu madaxweyne ku xiggeenka somaliland uu shahaado sharafyo ay jaamacadu ugu talo-gashay uu guddoonsiiyey qaar ka mid ah macallimiinta wax ka dhigta jaamacada edna, shirkado iyo shaqsiyaad waxtar ka gaystay dhismaha Jaamacada edna oo haatan dhamaad ku dhow.