Abwaan Maxamuud M. Yaasiin “Dheeg”: Hogol Mar Qudha Curatay, Manfaceeduse waaray Cabdirisaaq Saalax…(Qaybta 5aad)

0
735

1Naa bi’iise dhaqankii

Sharcigii ka baydhoo

Diintii burburisee,

Hablow mays badh qabataan!

Horta baro tacliintiyo

Buuggiyo dhigaalkoo,

Badowyahow dib haw celin

Dadkan soo baraarugay!

Maxamuud M. Y “Dheeg”, Beri Hore Waxaa Jiray, (Talo iyo Tallaabo, 1967) ay wada qaadeen; Maxamed Jaamac “Joof” iyo Maryan Mursal Ciise

…Miyi iyo magaaloba, dhaqankeenaa sidaas ahaaye, ninkii ina rag ayaa hadalkii bilaabay. Wuxuu ku dhiiraday oo afka u dhigtay, naag magaalo joogta, wax baratay, oo ilbaxday. Geeraar buu bilaabay oo Wuxuu yidhi…

Wuxuu yidhi;

Dad hadduu is barto

Waa kii aan kala baydhine

Isku baaciya sheeko’e

Barbarkaaga Sahraay

Bayr miyaad ka qabtaa?

Markaasay tidhi;

Haasaawuhu waa boqol jaade

Barbaartuu dhex maraa

[Hadba] waa siday u bilawdo

Ugu horraynba sidii rag lagu yiqiin buu yeelay. Wuu afeeftay. Wuxuu gabadhii u sheegay, maadaama ay laba adduun oo kala kaan ah ay ku kala nool yihiin, in aanay kalmad kasta oo uu ku hadlo aysan xumaan u qaadan. Wuu u yar baalo-xoofteeyayoo, Wuxuu u sheegay in uu kaftan ruug, haasaawaha ku dheereeya yahay. Markaasaa inta uu u soo dhawaaday, uu ku gudbay, su’aashii goorahanba maankiisa miranaysay. Meel kaleba ugama doonine, wuxuu markiiba ka bilaabay dharkan ay wadato. Markaasbaa inta jawaabteedii la qaatay, uu geeraar ku yidhi;

Bi’iin maayo dhankayga

Haddiise uu ila baydho

Maahmaahyahaan badiyaayoo

Baanisahaan ku xumehee

Ha u qaadanin baas

Billaahaan kugu dhaarshee

Adoon been ku dhawaaqin

Timihii hoos u baxaayee

Bartaa joogay garbaha iyo

Maradii baylka ahaydiyo

Bulad-low dhaclihii

Iyo bawdadan qaawan

Baraarkiinan dambaw

Iyamaad u bogteen?

Iyada oo is-xoojaynaysa, ayaa inta ay gees uga durugtay, ee kor iyo hoosba il quudhsi iyo qardoofo miidhan ah ku sigib tirtay oogadiisa ayay iyana ‘I dhig’ tidhi. Isagii iyo hablihii baadiye uu ku yaqaanay ayay si yar u

macnaysay,markaasay iyana si wayn isu macnaysay. Waxay tidhi;

[Waar] baadiyaad ku maqnaydoo

Baladkaad soo gashay maantoo

Bustihii baad sidataayoo

Boodhkiibaa kugu yaalee

Ha I moodin badwaantii

Calalinaysay badhooqdeed

Baanisaha la taqaanay

Sakandaraan (Secondary) ka barmoosayoo

Banaankaan aaday shan jeeroo

Buug digrii la yidhaabaan

Ku sitaa bidixdaase

iskugu keen bixi maysee

[Walaal] Byee Byee

Maba ay sug-sugin jawaabtiisa’e. inta genefkaa isku tuurtay ee shanta ku saydhay, ayay ka dhaqaaqday. Mar kale ayuu goostay in uu hal celiyo. Inta uu ushii uu sitay dhulka ku qotomiyay, ee makarfoonkii ku soo yar dhawaaday ayuu u baaqay;

“I sug! I sug!”

Markale ayuu afka u furay. Haddiiba uu markii hore u geeraaray, markan uma geeraarin. Hees ayuu dhegeha ugu culay. Haddii uu markii hore su’aal ku jirrabay, markan canaan iyo wax sheeg ayuu ula sara joogsaday. Waxaa kobtaas ku dhalatay mid ka mid ah Heesaha Soomaalida kuwooda ugu saamaynta badan. Waan ku celinayaaye, kuwooda ugu foolaadsan  tan iyo maalintii heesta casriga ah la bartay. Waa hees shisheeye ma ogiye, sokeeyaha Soomaali, ruux aan maqlin uusan ifka iman, hadduu yimidna ay yartahay in uu jiraa. Waa hees lagu hadaaqo, oo lagu hal-qabsado. Wuxuu yidhi;

Beri hore waxaa jirey,

Inan timaha biiftoo

Baarkana u tidicdoo

Boqorkiyo Dhaclaha iyo

Maro bayl ah xidhatee.

Wax beddeley kuwii hore,

Belo geeso dheeroo

Buul madaxa saartoo

Suuqa baratamaayee.

Naa bi’isey dhaqankii

Sharcigii ka baydhoo

Diintii burburisee,

Hablow mays badh qabataan!

Inta ay u soo joogsatay, ee makarafoonkii iyana markeeda haabatay, ayay u jawaabtay. Haddiiba uu isagu isku dhereriyay, hablihii hore iyo kuwan maanta. Iyana dunidii gabowday, iyo dunidan casriga ah ayay isku listay. Waxay tidhi;

Boqol sano horteed iyo

Beri hore wixii jirey

Ee layska baalmaray,

Budulkii dib haw qaban

Laga soo boqoolee.

haddaa baratan iyo orod

Bisha iyo cadceeddii

Beesha loo horseedoo

Aannu beegsanaynnaa.

Horta baro tacliintiyo

Buuggiyo dhigaalkoo,

Badowyahow dib haw celin

Dadkaan soo baraarugay!

Heestu waa lix bayd, oo midkiiba saddex qaadayo. Waxaa codka aadka u layaabka leh u sameeyey Isla Axmed Cali Cigaal, oo markaa aad u da’ yaraa (Heestani waa heesaha aan anigu isku qabsado, in codkaa iyo midhaahaas ay laba nin oo kala kaan ahi sameeyeen. Asee aan is waydiiyo, armay – maadaama ay is yeelatay – sidaas ay tahay ku dhaltay)

Haddii aynu isla Abwaan Dheeg waydiinay, sabibihii qalcaddaas waanada iyo wax sheegga ahi uga soo go’een, wuxuu yidhi;

“Ina Cigaal waakii isla sannadkaas Ra’iisal Wasaare noqday. Waxa ay dawladdiisii soo saartay, wareegto fasaxaysa in ay haweenku dharka ay doonaan qaadan karaan, sida ay doonaanna u socon karaan. Niman odayaal ah oo Baarlamaanka ku jiray, oo reer woqooyi iyo reer koonfurba lahaa waakuwa gaashaanka u daruuray. Dawladdiina waxa ay u muuqatay, mid dhegaha ka furaysatay. Waxaa sannadkaa horraantiisii soo baxday riwaayaddii Shabeel Naagood oo uu Xasan Sheekh Muumin (AHUN) sameeyey, oo iyana sidaas si la mid ah dawladda ula hadashay. Anna markaasaan goostay in aanan wadciga jira ka indho saaban” ayuu Yidhi Abwaan Dheeg.

Halkan ka Daawo;

https://www.youtube.com/watch?v=oMU1uu977Nk

Abwaanka – sida uu isba sheegay – waxaa la qumanaan wayday, in mar walba gabadha lagu fooro oo laga badiyo, lixda baydba. Wuxuuse libin uu ninkii ka soo waaqsan waayay uu gabadhii gacanta u geshay, baydka u dambeeya ee uusan bayd ka dambeeyaa jirin. Waa marklii uu ‘Joof’ yidhi;

Beri hore waxaa jirey,

Inan Baarax geel iyo

Faraskii Baxdaw ahba

Yarad looga bixiyaa

Bunduqa-na la raacshaa.

Wax beddeley kuwii hore,

Isu-boga bed maqanoo

Bahdii ay ka dhalatiyo

Baylihisey waanee.

Naa bi’isey dhaqankii

Sharcigii ka baydhoo

Diintii burburisee,

Hablow mays badh qabataan!

Ee iyana ay ugu jawaabtay;

Baarax geela iyo Farax

Iyo boqon-yaraha adhi

Hablii lagu beddeli jirey,

Diintaynnu baranniyo

Ma banneeyn Kitaabkuye.

Booliquutayaashii

Beecsan jirey haweenkiyo

Baaxadsoorihii tegey

Maanta looma baahnee.

Horta baro tacliintiyo

Buuggiyo dhigaalkoo,

Badowyahow dib haw celin

Dadkaan soo baraarugay!

“Intii hore oo dhan isaga (Joof) ayuun bay dadwaynuhu la jireen, oo madaxa u ruxayeen. Baydkaa u dambeeyayse Maryanna sacab, sawaxan iyo mashxarad aan kala gu’in ay ku heshay. Waana mid aan uga gol-lahaa, in aanay dhaliisha iyo goldaloolooyinka markaa taagnaa ee aanu ka hadlaynay aanay haweenka uun ku koobnayne, innan ragna uu koobka dhaliisha markiisa kabbado” Ayuu yidhi Abwaanku.

Dhamaad