Khayraadka Dabiiciga ah Caqligaa ka Horeeya, Isagaa Hodan Lagu Noqdaa

0
1159

Khayraadka Dabiicigu way ku kala badan yihiin dalalka dunida saddexaad, qaarbaa laga helaa khayraad kala duwan sida shidaalka, noocyada macdanta, Dhul beereedyo hodan ah IWM.

waxa kale oo ka mid ah badaha ku dhereran iyo wabiyada dhexmara qaar kalena ma laha khayraad lagu tilmaami karo isla markaana dhul ahaan waxay ku fadhiyaan masaaxad ka yar Somaliland, waxa laga yaabaa in aanay bad-na lahayn (Land Locked) sidaas oo ay tahay dadkoodu wuxuu ka nolol fiican yahay ama dalkoodu ka hormarsan yahay dawlado waaweyn oo khayraadka dabiiciga ah qani ku ah.

si kastaba ha ahaatee wadamada Africa oo sanadihii 1960’s kii ka xooroobay gumaysigii reer Yurub waxa la daadagay  maamul xumo, inqilaabyo milatari, dagaalo sokeeye iyo hirdankii dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyay quwadihii bariga iyo galbeedka oo midba dhinac u jiidayay, hase ahaatee 25 kii sanadood ee ugu danbeeyay Wadamada Africa gaar ahaan kuwa geeska Africa waxa lagu soo dabaalay xasilooni siyaasadeed iyo dib u habayn dhaqaale oo balaadhan, waxay ku gaadheen horumar aan hore u soo marin, waxa hoos u dhacay heerkii faqriga, waxa kordhay dakhligii dadka (per Capita Income).

bal aynu mid mid u eegno hogaamiyaasha Geeska Africa ee saamaynta togan ku yeeshay nolosha Dadkooda ee Taariikhda galay:  Melez Zenawi  Raysal wasarihii hore ee Itoobiya wuxuu ku biiray Jabahadii TLF ee dagaalka kala soo horjeeday rajiimkii Mengistu Hailemariam isaga oo arday ah oo aan wali dhamaysan waxbrashadii jaamacada.

Talada dalka waxa uu qabtay isagoo da’diisu yar tahay oo waayo aragnimo badan u lahayn maamulka dawlad nimo, sidaa daraadeed lagama filahayn inuu is badal baaxadaa leh ku sameeyo dhaqaalaha iyo maamulka dawlad nimo.

Yoweri Museveni  Madaxweynaha Uganda wuxuu ahaan jiray macalin ka hor intii aanu madaxda ka noqon jabhadii hubaysnayd ee Yugand, guul ka dib wuxuu dhaxlay dal burburay oo ay iskaga danbeyeen laba digtaytar : Idi Amin iyo Milton Obote.

Runtii dhaqaalaha Uganda wakhtigaa aad ayuu uga hooseeyay halka maanta Somaliland joogto laakiin dhawr iyo toban sanadood ka dib Uganda waxay gaadhay heer tusaale u noqon kara madaxda kale oo wax laga baran karo, Yoweri Museveni si gaar ah waxa loogu amaanaa sidii uu ugu guulaystay  xakamaynta Cudurka Africa  naafeeyay ee HIV AIDS-ka.

 

Paul kagame Madaxweynaha Rwanda wuxuu Ciidamada ka gaadhay darajada laba xidigle, wuxuu hogaaminayay Jabahadii dalka qabsatay xasuuqii ka dib, wuxuu Madaxweyne ka noqday dal sida uu u dhan yahay kala daatay oo aanay waxba ka jirin iyo bulsho dhiig baxday markii 90 maalmood gudahood 100,000 oo qof qudha laga jaray , waxase Indhaha caalamka soo jiitay Rwanda oo dhul ahaan qiyaastii leeg Gobolka Maroodijeex isla markaana aan  lahayn khayraad sidaa u buuran siday uga soo kabtay dhibaatadii dagaalkii sokeeye iyo sida ay u noqotay dalka Africada madaw ugu horeeya dhinaca dhaqaalaha marka laga reebo South Africa iyo Botoswana.

Ismaaciil Cumar Geele  Madaxweynaha Jabuuti waxa uu ahaa Sarkaal loo tobabaray Ciidanka Sirdoonka ka hor intii aanu noqon gacan yaraha madaxweynihii hore ee jabuuti Marxuum Xasan Guuleed Abti doon.

Sanadkii 1999 kii markii loo doortay Madaxweynaha dhaqaalaha dalku waxa uu ahaa mid aan rajo badnayn oo fadhiid ah, waxa cidhiidhi ku jiray mushaharkii shaqaalaha.

Madaxweyne Ismaaciil kaliya waxa uu abuuray jawi soo jiidan kara ama lagu aamini karo in la maal gashado dalkiisa sidaas oo kale siyaasada furfuran iyo xasiloonida dalku waxay horseeday in dawladaha waawayni ka samaystaan saldhigyo milatari oo dawladu ka hesho dhaqaale dadkuna ka helaan shaqooyin” si kastaba ha ahaatee Jabuuti waxay ka mid tahay wadamada gobolka ee dhaqaalahoodu korayo, isla markaa Madaxweynaha jabuuti wuxuu hiigsanayaa ama rumaysan yahay in Singapore iyo Hong kong oo ka dhul yar kana khayraad yari horumarka ay gaadheen inay Jabuutina gaadhi karto.

Wadamada Gobolka ee horumarka sameeyay iyo hogaaminta fiican waxaynu ka baranay in nimacda iyo khayraadka badan shacbigu waxba ka dheefin haddii la waayo caqli wanagsan oo lagu maamulo, tusaale ahaan Nigeria waa dalka 8 ee shidaalka ugu badan dunida, waana dalka 26  ee ugu saboolsan dunida   (Warbixintii World Bank 1991).

Hadaba Madaxda Guulystay maxaa u suurto geliyay inay nolosha dadkooda si weyn wax uga badalaan?

Go’aan adag oo ka dhab ah iyo daacadnimo  iyo in aad aaminto in aad wax mucjiso ah samayn karto.

Dejinta siyaasad dhaqaale oo yool leh iyo qorshihii lagu hagi lahaa.

Xulashada raga ugu haboon ee siyaasadaa ka midho dhalin kara.

Waxay iimaansadeen oo ay si wanagsan u maamusheen wixii iyagu ay haysteen, markii la arkay inay wax qabsanayaan ayaa waxoodii wax loogu daray.

Ha ku riyoon, hana sugin in beesha caalamku lacag ku siiso iyadoo  ay intaadii yaraydba baylah  tahay.

si kastaba ah ahaatee Madaxweynaha JSL md  Axmed Siilaanyo oo Siyaasada in badan ku soo jiray, waayo aragnimo u leh maamulka Dawladnimo, soo bartay kuna takhasusay Cilmiga dhaqaalaha maxaa ka hortaagan inuu sameeyo waxay sameeyeen hogaamiyayaasha dalalka Bariga Africa ee waliba isaga laga doorbidayay?

Jawaabtu kaliya waxay noqon kartaa waxa ka maqan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo  “Commitment”.

abdirahmanadami@yahoo.com