Madaxweyne Siilaanyo Oo Niyadsami Ka Muujiyay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Iyo Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay In Erdogan Hargeysa Imanayo

11
618

Picture7Istanbul(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa niyad sami ka muujiyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wadanka Turkiga uga furmaya bisha dambe ee November.

Madaxweyne Siilaanyo, oo weli booqasho ku jooga wadanka Turkiga, wuxuu waraysi uu siiyay jariirada Today's Zaman, uu ku sheegay in wada hadalku furmi doono 8-10 bisha soo socota ee November, waxaanu muujiyay rajo wanaagsan oo uu ka qabo wada hadaladaas.

Wargeysku, waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo, kulan uu ku yeeshay Turkiga uu dawladda iyo ganacsatada Turkiga kaga codsaday inay yimaadaan oo ay maalgashadaan Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa wargeyska u sheegay inay Somaliland ku faraxsantahay wada hadaladaas ka dhexeeya Somaliya. “Aad baanu ugu faraxsanahay wada hadalada aanu la leenahay walaahayo.” Ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Wasiirka arrimaha dibaddu, sida uu wargeysku sheegay wuxuu cadeeyay in wefti uu hoggaaminayo Raysalwasaare xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ay Somaliland iman doonaan bisha November ee soo socota si ay u sii xoojiyaan xidhiidhka labada dal. Waxaanu intaas raaciyay iyo Raysalwasaare Erdogan uu u balan qaaday inuu Somaliland soo booqan doono marka la  dhammaystiro dhabaha garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Wuxuu Wasiir Maxamed Biixi, intaas ku daray suurtogalnimada in dawladda Turkigu ay xafiis diblomaasiyadeed ka furato magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in Raysalwasaare Erdogan uu si gaar ah isha ugu hayo inuu xafiis ka furto Hargeysa, waxaanu sheegay in mawduucan laga wada hadli doono marka uu Raysalwasaare xigeenka Turkiga bisha November yimaado Somaliland.

Isagoo ka hadlaya guulaha ay Somaliland gaadhay, wuxuu Wasiirka khaarajigu Somaliland, yidhi, “Aad baanu ugu hanweynahay guulaha aanu gaadhnay, gaar ahaan dhinaca amniga. Somaliland waxay ka mid tahay dalalka dunida ugu degen, gaar ahaan Africa.”

Comments are closed.