“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Hadaad Sidaas Ku Sii Wado Mooji Waxay Noqon Doonto Dhaliilo Badan Ayaa Jira, Ee Halaga Tashado”

0
705

Hargeysa(Geeska)-Abwaan Aadan Tarabi Jaamac ayaa Somaliland ku tilmaamay meesha ugu liidata ee ay abwaano iyo fanaaniin ku noolaadaan marka la barbar dhigo maamulada kala duwan ee Soomaalida guud ahaan.

Abwaanka ayaa xaalada abwaanada iyo dalkaba ku tilmaamay mid jilicsan waxaanu shacbiga ka codsaday in la gaadhay wakhtigii abwaanada iyo fanaaniinta Somaliland loo hadli lahaa si loo taageero, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Sahan, isagoo yidhi “Waxii dawlad Somaliya ka dhashay haday koonfur tahay,haday Jabuuti iyo Kililkaba tahay magaca Somaliya waxii laysku odhan jiray meel Abwaanada iyo fanaaniinta uga liidata Somaliland ma jirto,waliba inay cidhib go’aan ayay jecelyihiin guryo,  gaadiid iyo wax muuqda ayaa la doonayaaye maaha abwaanku inuu hadlo uun, maxuu ku hadlaa waa in isaga horta loo hadlaa waligii ma isagaa cid u hadlaaya, dayac intay qabaan yay waliba kii ugu xumaa qabaan, dadkiina waxay leeyihiin waar abwaanadu maxay u hadli waayeen abwaanada idinku u hadla ilaa maalintay dhasheenbay idiin hadlayeen if iyo aakhraba way idinku seegeene bulshadu haw hadasho abwaanada. “

Waxa uu fariin u diray madaxweyne Biixi “Madaxweynaha fariintaan u dirayaa waxay tahay alle xajkana ha kaa aqbalo hawluuna waa ay faro badan yihiin hadaad sidaas ku sii wado mooji waxay noqon doonto dhaliilo badan ayaa jira ayaan leeyahay halaga tashado oo halaysu yimaado una dhago nuglow umadaadu waxay ku leedahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here