Cawil Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya, Doorashada Sannadka Dambe Iyo Farriinta Uu U Diray Siyaasiyiinta Somaliland

0
698

cawilHargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ayaa siyaasiyiinta dalka ugu baaqay inay hoos u dhigaan muranada siyaasadeed ee dhexdooda ka jira si aanay danta guud dhexdooda ugu lumin.

Ambassador Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu sheegay inay u muuqato inaanay wax natiijo ah ka soo bixi doonin wada hadalada Somalialnd iyo Somaliya maadaama oo ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya kala sitaan laba waajibaad oo uu mid waliba danta dalkiisa ku ilaalinayo. “Somaliland sannadkan cusub ee 2014 waxaan rajaynayaa in la sameeyo diiwaangelintii si loogu diyaar garoobo doorashooyinka sanadka dambe oo iyaguna wakhtigooda inoogu dhici doona, waayo waxyaabaha aynu adduunka ku soo jiidano waxa ka mid ah doorashada oo aynu wakhgtigeeda ku qabano.” Ayuu yidhi Cawil Cali Ducaale.

Isagoo la hadlaya siyaasiyiinta Somaliland wuxuu yidhi, “Waxa loo baahanyahay in siyaasiyiinteenu mar walba danta umadda iyo dalka maskaxda ku hayaan oo khilaafka siyaasiga ah aan wax weyn laga dhigin, meel fiican ayaynu maanta maraynaa, danteenu waxa weeye inaynu marba dawladda joogta wixii tallo ee la siin karo la siiyo, wixii dhaliilo ah loo sheego, wixii ay ku hagaagsantahay lagu dhiirigeliyo, waayo muranka siyaasigu wuxuu abuuraa tafaaruruq iyo danta umadda oo la iloobo.”

Danjire Cawil, oo ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi, “Waxaan filayaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya wax weyni ka soo bixi maayaan, sababtoo ah waxa weeye laba madaxweyne ayaa kulmaya oo laba shaqo look ala diray. Madaxweynaha Somaliland oo uu waajibkiisu yahay  ilaalinta jiritaanka Somaliland iyo ictiraaf  raadinta iyo madaxweynaha Somaliya oo isna ay shaqadiisu tahay raadinta Somaliweyn, markaas  wada hadaladaas  wax weyni ka soo bixi maayaan laakiin inaan wada hadaladaas la wadno weeye, oo adduunka wada hadal lama diidi karto,  laakiin aynu ku qancino Somaliya  inaanu jiritaanka Somaliland gorgortan galayn, laakiin walaalanimadii iyo hantidii inaga dhaxaysay aynu ka xisaabtano.”

Cawil, waxa kale oo uu sheegay inuu sannadkan rajaynayo in murashixiinta xisbiyada ee sannadka dambe doorashada uga qayb geli doona tartanka Madaxweynaha iyo ku xigeenka la cadayn doono, “Waxaan filayaa murashixiintu inay sannadka dhammaadkiisa soo bixi doonaan, oo ay xisbiyadu cadayn doonaan murashixiintooda doorashada madaxtooyada ee sannadka dambe.”