Jaaliyaddda Norway Oo Dhaqaale Culus Kaga Qayb-gashay Gurmadka Suuqa Waaheen Ee Hargeysa

0
529

Oslo (Geeska)  – Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway, ayaa waxa Xalay lagu qabtay Munaasibad shahaahdo Sharafyo lagu guddoonsiiyey dadkii udub dhexaadka u ahaa, gurmadkii qaadhaan ururinta ee suuqii gubtay ee Waaheen iyo dadkii ku hantibeelay.

Dadkaas oo muddo bil ku siman maal, maskax iyo muruq ba ku bixiyey qaadhaan ururinta, isla-markaana dhaxanta iyo roobka ku dhex shaqayn jiray, ayaa looga mahadceliyey hawlgalkaa wax ku-oolka ah ee ay fuliyeen, iyo sidii ay uga damqadeen dadkaa loo gurmanayey ee ku xoola beelay dabkii suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Waxaa na dadka shahaado-sharafyada guddoonsiiyey Wakiilka Somaliland u jooga Norway, Maxamed Axmed Aadan (Liilan)

sidoo kale, Munaasibadan Ayaa Lagu Shaaciyey Dhaqaalaha Kasoo Xarooday qaadhaankii Jaaliyadda Norwey ay Ugu Talagashay Masiibadii Ku Habsatay Suuqii Xudunta u ahaa Ganacsiga Somaliland, dhaqaalahaasi Guud ahaan la soo ururiyey ayaa lagu sheegay Hal Miyan, Siddeed Bqol iyo Shan iyo Konton kun , , lix boqol iyo saddex iyo sagaashan krone ( 1,855, 693 Kr.) taasi oo u dhiganta lacag ku dhaw 200.0000 kun oo dollar

Qadarkan Lacageed ee loogu talagalay Suuqa  Waaheen  ayaa Jaaliyada Norwey ayaa Habeen Iyo Maalinba u tafaxaydatay Sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Taakulada Dadka Walaalahooda ee ku hanti beelay Suuqaasi Waxana Xusid Mudan iyadoo wadooyinka Waaweyn iyo suuqyada lagu arkayey Dad isxilqaamay oo lacagaha kasoo ururinaya Waddooyin meelaha La Iskugu Yimaado Xili dalkaasi uu baraf xoogani ka da’ayey dalka Norwey.

Waxaana sidoo kale Xusid mudan Xafiiska Safaarada Somaliland Ee Dalka Norway oo gadhwadeen u ahaa isku dubaridka, kaalin Muuqaatana ku lahaa abuubulka iyo maamulka qaadhaan ururinta Dhaqaalahan soo xarooday kaas oo uu kaga duwanaa jaaliyada kale oo halmeel la iskugu keenay dhaqaalihii guud ahaanba dalkaasi uga soo xarooday tabarucaadka Suuqa Waaheen.

Munaasibadan Dhaqaalaha Lagu Wareejinayey ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska Safaarada Somaliland ee dalka Norwey  waxaana kasoo qayb galay badiba jaaliyadda Iyo Masuuliyiinta Xafiiska Safaarada Waxaana ugu horey ka hadlay odayaashii iyo dadkii ka qayb qaatay Qadhankan

SafiirkaSomaliland  u fadhiya dalka Norway Maxamed  Adan (Liilan) ayaa  gabagabadii khudbad uu ka jeediyey munaasibadaasi uga mahadnaqay dhamaan dadkii isxilqaanka iyo tabarucaadka dhaqaale ururinta ka qayb qaatay

Waxaanu Xusay in jaaliyadda Norwey kaalintoodii kasoo baxeen marka loo eego tirada dadka ka joogo oo aad uga yar dalalka sida UK oo kale Qaarada yurub,  isagoo danjire liinan  guddoonsiyey dadkii ka hawlgalay gurmadkii suuqa waheen Shahaadooyin  ( Certificate of Appreciation )  una mahadneqey  sida fiican ee ay ugu damqaadeen walaalahood, ee ay u kaalameyeen.

Guud ahaan wadarta lacagti la soo uriryey waa Hal Miyan , Sideed Biqol iyo Shan iyo Konton kun , , lix boqol iyo saddex iyo sagaashan krone ( 1,855, 693 Kr.)

 

Geeska.net/Hargeisa Office