Mashruuca kor u qaadida wax soo saarka iyo tayada khudaarta iyo miraha ee Somaliland isku xidhka silsilada soo saarayaasha iyo qaybiyeyaasha ee 2022

0
454

Waqtiga: 2022 May 29 09:00AM

Goobta: Beerta tababarka ee Agamse, Arabsiyo, maroodi jeex

Ka so qayb galayaal: waaxda fidinta ee wasaarada horumarinta beeraha, guurubyada beeralayda ( xamdi, barwaaqo, Alle amiin iyo samo wade), mulkiilayaasha tukaamada khudaarta (adeeg organic, Greenland grocery, iibiyeyaal) gaadiidlayda iyo dilaalinta .

Ujeedo: isku xidhka soo sarayaasha, gaadiidlayda, dilaalinta, iyo iibiyeyaasha si ay ula waadagan macmuuladka suuqgaynta, taas oo u fududaynaysa in ay suuqa keenan qudaar iyo midho tayo leh oo faaiido u le dhamaan daneyayaasha.

 

Waxqabadyada ugu waaweyn waxa ka mida

1: goobta tababarka waxsoosarka: hababka iyo natiijada lagu tusay beerta tababarka

2: midhihi iyo khudaartii dhawaaan la baray: si loogu soo bandhigo beeralayda iyo mulkiilayaasha tukaamada khudaartii Dhawan la baray sida, asparagus, barbarooniga macaan, xasiida macaan, cherry tomato, xabxabka iyo shamaamka, basal baarta iyo patchoy.

  1. Suuqgayn: si loo fududeyo isdhexgalka iyo xidhiidhka ka dhexeeya soo saarayaasha, gaadiidlayda, dilaalinta iyo daneeyayasha. Si loogu helo xal fiican suuqgaynta mustaqbalka dhaw.

4: goosashada iyo cabaynta: si loo siiyo hab raac loona tuso beeralayda sidi ay si sax ah ugu goosan lahaayen dalagyada kala duwan, iyo sidii alaabti la soo baceyey ay u heli lahayd marfash ku haboon ayna ugu heli lahayeen qiimo fiican.