Israa’iil Oo Qiratay In Ay Xadday Carruur Yuhuudda Yemen Ah Si Ay Uga Iibiso Yuhuudda Ma Dhalayska Ah

0
910

wwwwwwwwTel Aviv (Geeska)- Fadeexad cusub ayaa hadhaysay xukuumadda ka talisa Israa’iil ee uu hoggaamiyo Benjamin Netenyahu kadib markii masuul xil sare ka haya xukuumaddu uu qirtay in Israa’iil ay sannadihii Kontonaadkii ee qarnigii tegey carruur Yuhuudda Yemen ah ay soo xadday si ay uga iibiso qoysaska ka soo jeedo Yuhuudda qaybta loo yaqaanno Ashkaans ee aan dhalin.

Tasaaxi Hanqabi oo ah wasiir xukuumadda Benyamiin Netanyahu u qaabilsan dabagalka arrintan ayaa mar uu u warramayey talefshanka Kanaalka Labaad ee Israa’iil waxa uu sheegay hadalkan oo la aaminsan yahay in uu soo afjarayo muran Israa’iil gudaheeda ka soo jiray muddo 65 sano ah oo la xidhiidhay qadiyaddan xadista carruurta, taas oo xukuumadihii kala dambeeyey ee Israa’iil ay qariyeen in ka badan hal Milyan oo ahaa Dhukumantiyo iyo qoraallo caddayn ah oo ka marag kacaya fadeexaddaas bani’aadamnimo.

In kasta oo ay muddo dheeri ka soo wareegtay waqtiga carruurta Yuhuudda Yemen la xadi jiray, baadhitaannada lagu sameeyeyna muujinayaan in carruurtaas badankoodu ay cudurro kala duwan u dhinteen, haddana weli qoysaskooda wixii ka noolaa ayaa aan illaa hadda aqbalin arrintaas.