Ismaaciil Buubaa Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi U Soo Bandhigay Talooyin Ay Wada Hadalada Soomaaliya La Tagto

30
2769

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani,ayaa madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa u gudbiyay talooyin ay la tagto wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya marka ay furmaan.

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay saami qaybsiga iyo qodobka ugu haboon ee Somaliland laga rabo inay wada hadalada la tagto, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya wada hadalada“Jabuuti siday arimaha Somalida u og tahay, Dawladdaha Kale uma oga, waana dad Somali ah, oo warka ay hayaan aad buu uga duwan yahay, kolay looma tagayo inay Jabuuti dhex-dhexaadiso, ee waxay fidinaysaa gogol, oo labada dal is arkaan, cida ay wax ka yaalana waa Somaliland iyo Somaliya”.

Siyaasi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey qodobada ugu muhiimsan inay Somaliland kala hadasho Somaliya ayaa yidhi “Arintu yaanay noqonin muuqaal, oo wada hadaladii hore waxay iska ahaayeen iska muuqaal, arinta la isku hayaa waa lixdankii, labadii Dawladood ee midina Ingiriiska ka qaadatay xoriyada, midina Talyaniga ka qaadatay xoriyada, inay isku yimaadan, oo waxa lagu wada hadlayaa noqdaan Somaliland iyo Somaliya ayaa muhiim ah, waana in loo daadagaa heshiiskii waagaas la galay, oo maanta aan shaqeeynin, oo labada dhinacba midna aan ka shaqeeynayn, wixii markaas la isla ogolaaday waa Jahmuuriyadii Somaliyeed in la sameeyo, Somaliland, Somalilandteedii bay ku noqotay, Somaliyana Somaliyadeedii ayey ku noqotay, markaas labadii daraf ee isku yimid haddii isku tagoodii xumaaday, in si wanaagsan la isku fahmo ayaa haboon, waxaana muhiim ah in laga duulo arinkii isku taga iyo maanta halkay wax taagan yihiin, Maamulka Hawada iyo waxa la midka ahi waa arimo laga wada shaqayn karo, ee heshiiskii lixdankii dib ha loogu noqdo, oo nuxurka ha loo dhaadhaco, si labadii Dawladood ee isku yimid, in wixii lagu heshiiyey, dib loogu noqdo, oo la hubsado ayaa muhiim ah”.

Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey Saami qaybsiga ayaa wuxuu yidhi “Dimuqraadiyad ayeynu ku shaqeeynaynaa, qof kastaa hal cod buu leeyahay, waxa kuraasta lagu qaybinayaa waa inay noqdaan baaxada dadka meel wada degan, inta arintaas la gaadhayo si degan oo cid kasta dajisa in la sameeyo ayaa haboon, dan umaddeed inta laga wada hadlaayo, ayuu arinku yahay, ee cid cid qabsanaysa, ama cid cid kale wax ka boobaysa aanay ahayn, ayaa wanaagsan in dadka lagu qanciyo, oo la soo hor dhigo, laakiin sida caalamka ee tirikoobka dadweynaha, meel kasta jooga la yidhaahdo boqolkii kun ee qofba ee meel joogaba tusaale ahaan waxay leeyihiin hal kursi, sida arintaas loo sameeynayaana maaha mid ku saleeysan reeraha, ama mid ku saleeysan deegaamada, waxa laga yaaba inay Boorama kuraasi badan hesho, oo dadka degani badan yihiin, dadkaas ayey ku helaysaa lagana yaaba in Gobolada Barriga, sida Ceel-afweyn aanay kuraasi badan helin, waayo dadka Galbeedka degan ayaa badan, waxa loo baahan yahay in dadweynaha la wacyigeliyo loona sheegaa nidaamka wax lagu qaybsanayo, muddo ayeyna qaadanaysa, muddadaas inta la gaadhayo lixdankii Doorashadii dhacday weynu haynaa iyo sidii ay dadku kala ahaayeen, waa la yaqaana sida dadka loo tirikoobo, ee waxyaabo badan oo la is waafajin karo ayaa la qaban karaa, laakiin se ta ugu muhiimsan waxa weeye in Barlamaanka dadka galayaa, waa in la yidhaahda tiradaas ayaa marka hore lagu galayaa, dabadeed dadweynaha Somaliland degan ayaa loo qaybinayaa, sidaas ayaana lagu soo saaraya Barlamaanka, sida uu caalamku u dhaqmo aynu u dhaqano, ee nidaam cusub u sameeyn mayno”.

Mar uu ka hadlaayey Mashriicda horumarineed ee dalka ayaa yidhi “Wey iska cadahay, oo ama xagga bariga ha noqoto ama wadanka koonfurtiisa ha noqoto, may helin wixii taageero ahaa horumarinta mashaariicuhuna waxay ku badnaayeen Hargeysa iyo wixii Galbeed ka xiga,arinkaasina wuxuu u baahan yahay in dib loogu noqdo, arintaasi waxay u baahan tahay in si xooga looga fiirsado”.

Mar uu ka hadlaayey Xilalka iyo Shaqaalaha Dawladda ayaa yidhi “Sida Mashriicaha horumarineed loogu kala badan yahay ayaa xilalka iyo shaqada dawladdana loogu kala badan yahay, oo Wasaaraddaha qaarkood (70%), in meel ay ka wada yimaadaan, balse waxa loo baahan yahay in si dadku raali ka wada yahay, dadkuna ka wada muuqdaan, oo xaqsoor ah, loogu cadaalad sameeya, loona siiyo Shaqada Dawladda, waana wax looga fadhiyo inuu Kulmiye wax ka qabto”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here