Carruurta Iyo Suugaanta Soomaalida

37
3444

Carruurta iyo suugaanta Soomaalida 23 feb 2018. oo ay qabanqaabadeeda lahayd ururka Bisha Cas oo kashanaya hayado iswiidhish oo ay ka mid tahay Sudie Främjandet ayaa waxay soo qabanqaabiyeen barnaamij bilan oo xiisihiisa iyo xusuustiisaba lahaa, todobaadkan ayaa waxa uu ahaa todobaad, uga nasiib badnaa todobaadadii hore maxaa yeelay waxay ubadka Somaliyeed ee ku dhaqan caasimada Sweden nasiib u heleen inay qaataan tababaro iyo madadaalooyin ku saabsan dhaqankooda oo ay gadhwadeen iyo bixiyeyaalba ka ahayeen xeel dheerayaal dhaqan oo aad ugu dhuun daloola daryeelka iyo barbaarinta ubadka.

Munaasibadan kuma aysan koobnayn maweelinta iyo ciyaarsiinta caruurta ee waxa barbar socday bandhiga iyo soo jeedinaha buugaag kala duwan oo ay qoreen aqoonyahanka iyo qorayaasha somaliyeed ee ku kala nool dacalada dunidu. Haldoorkii ka soo qayb galay kulankan ayaa waxa ka mid ahaa Dr. Jama Musse Jama Mohamad Hirsi G Abdibashir Abdirahman HashiMusa M. Isse Said Hussein  Sayid Axmed Anwar Yussuf Dhagaweel Abdalla Shafey Nimco Noor, Caasha  iyo labeen bulsheed ka kala timi dalalka kale ee Europe oo war iyo wacaal, aqoon iyo waayo aragnimo la wadaagay bulshadii soo ajiibtey kulankaasi.

Waxa madasha xiiso gaar ah u yeelay ibo furka iyo ka warbixinta dhiganaayaal bulshada tabanayay oo ay soo bandhigeen soona dhiteeyeen qorayaal somaliyeed kuwaasi oo toos ula xidhiidhiyay xalada bulshadeena gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool sida buugaag laga qorey dhalaanka la nool xanuunka Autism oo inahan dambe qoysas badan oo Somali ah ubadkooda la noqday wehel,  waxa ka waramay tilmamayna sababta uu u qorey dhiganahan cilmi bulsheedka ah aqoonyahan  Saeed Hussein oo ka soo booqoolay carro ingiriis iyo Bristol waxaana aad u soo dhaweyey guud ahaan ka soo qaybgalayaasha barnaamijka iyada oo aad ka dheehanaysay sida ay dhagta ugu raaricinayaan ee ay qiimaha ugu yeelayaan kulankaa qiimiga leh ee loo soo agaasimay.

Qoraa Cabdale Shafey oo ah aqoonyahan ku nool dalka Denmark ahna xeel dheere dhanka barbaarinta ubadka ah ayaa aad uga warbixiyey hababka ugu haboon ee cilmi ahaan iyo caqli ahaanba ubadka loo barbaarin karo iyaga oo tababaro wada jirana siiyey waalidiintii soo ajiibay kulamadii socday labada maalmood.

Qorayaashu rag keliya ma ahayn ee waxa madasha biley hooyooyin u holaday inay inoo dhiteeyeen kaydiyaana qoraalo ubadkeena iyo ayaheena mustaqbalba waxtaraya aadna loo jeclaystay iyagoo mid waliba ay dul istaagtay wixii ku kelifey inay ururiso oo soo bandhigto buugta ama talooyinkay u hayso bulshaweynta somalida.

Aqoonyahan Dr. Jama Muse Jama gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeisa ayaa isaguna ka warbixiyey xaalad shaqsi ahaan la soo gudboonatay isaga iyo qoyskiisa iyo sidii talasharada allah swt lahayd ee dadaalka iyo halganka adag ay uga galeen sidii ilmo uu dhalay oo xanuun asiibay uu ugu soo noqon lahaa dhabihiisi hore allah swt ku ilhaamiyey, intii uu waday sheekadasi ayaa dr waxa uu si xeel dheeri leh iyo farshaxan fahan fogi ka muuqdo uu ula wadagay dadkii madasha yimi muhiimada iyo falsafaadka ay u bahan tahay mararka qaar inaad sheegi kari weydo waxaad jeceshahay inaad sheegta isaga oo aqoonyahanku madashaasi kula wadagay dadka buug iyo game uu ka sameyey xaladii wiilkiisa oo uu mudo saddex sanno ah kula saxiib ahaa cusbitaal ku yaala dalka Italy.

Gabagabadii waxa lagu soo afmeerey buug arrimaha cafimaadka iyo qaybaha jidhka tilmamaya oo uu qorey Dr Abdirahman Hashi iyo buug dhaqameed sugaanta caruurta si xeel dheer uga waramaya oo ay ururiyeen abwaan Axmed Aw Geedi iyo Xasan Cabdi Madar kaasi oo uu isku dubaridka iyo soo jeedinta fahanka buuga uu inala wadagay qoraa Sayid ayaa iyaguna madasha bilay.

Ugu dambayn waxa mahadnaq balaadhan madashaasi ka jeediyey gudoonka ururka Bisha Cas Mohamed Xirsi Garaad Abshir oo martidii iyo hawl wadeenadii kulankaba uga mahadceliyey ka soo qaybgalkooda madashani bilan

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here