Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Imaaraadka Carabta Oo U Hanjabay Dawladda Djibouti

26
2862

Dubai (Geeska)- Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dhalleecayn kulul u soo jeedisay go’aanka ay dalwadda Jabbuuti ku baabi’isay heshiiskii iyada iyo shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World hore ugu galeen in ay shirkaddu maamusho qaybta kontiinarrada ee dekedda Dooraale ee Jabbuuti. Tallaabadaas ayaa uu Imaaraadku ku tilmaamay tallaabo aan laga fiirsan oo lagu dhaawacay heshiis sharci ah oo saxeexan. “Waa wax laga xumaado, la wareegista ay dawladda Jabbuuti la wareegtay dekedda Dooraaleh” Sidaas waxaa boggiisa Twitter ka ku qoray Anwar Qarqaas oo ah wasiirudawlaha arrimaha dibadda ee dawladda Imaaraadka Carabta.

Hadalkan ayaa ah jawaabtii ugu horreysay ee rasmi ah ee ay dawladda Imaaraadku kaga hadashay, ka bixista Jabbuuti ee heshiiska ay kula jirtay shirkadda maamulka dekedaha ee DP World.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka Maraykanka ee Bloomberg waxa uu intaas ku darayaa in dawladda Imaaraadku ay Jabbuuti ku eedaysay in ay sifo sharcidarro ah kula wareegtay maamulka dekedda Dooraaleh, shirkadda DP World ee hore dekeddan u maamuli jirtayna ay bilowday habkii sharci ee ay dacwad tallaabadan ka dhan ah ugu gudbin lahayd maxkamadda caalamiga ah ee London.

Dhinaca kalana dawladda Jabbuuti ayaa tallaabadan ay qaadday ku macnaysay in ay kaga jawaabayso, “Hoos u dhac ku yimid heerkii hawlgudasho ee dekedda iyo in ay dib-u-saxayso qaladaad sharci darro ah oo ku jiray heshiiska ka shaqaysiinta dekeddan ee u dhexeeyey iyada iyo shirkadda DP World” Sida lagu caddeeyey warmurtiyeed ka soo baxay hay’adda dekeddaha iyo Aagagga xorta ah ee dalka Jabbuuti.

Dawladda Jabbuuti waxa ay sheegtay in heshkan oo saxeexiisii laga joogo muddo 10 sano ka badan, uu meel-ka-dhac ku yahay qarannimadeeda. Waxa ay sida oo kale hore shirkadda DP World ugu eedaysay in ay laaluus bixisay markii sannadkii 2006 lagu wareejinayey dekedda, laakiin eedahaas oo ay shirkadda iyo dawladda Jabbuuti isla galeen maxkamadda sare ee Ingiriisku waxa ay isla sannadkaas ku dhamamadeen xukun maxkamadeed oo waxba kama jiraan ka dhigay eedda dawladda Jabbuuti.

Khilaafka labada dhinac oo lixdii sano ee u dambeeyey soo jiitamayey waxa uu sababi karaa in uu xumeeyo xidhiidhka aan imikaba aad u fiicnayn ee ka dhexeeya labada dawladood ee Jabbuuti iyo Imaaraadka.

Wasiir Qarqaash oo si dadban ugu hanjabaya in tallaabada Jabbuuti qaadday ay dhaawac gaadhsiinayso maalgashigii u iman lahaa dalka Jabbuuti ayaa mar kale bartiisa Twitter ka ku yidhi, “Tallaabooyinkan u dambeeyey ee aan loo meel deyin, waxa ay keenayaan dhaawac aad ugu daran Jabbuuti, marka la barbar dhigo dhaawaca ay gaadhsiinayaan shirkadda DP World”  isaga oo intaas ku sii daray, “Guushu waxa ay ku timaaddaa tixgelinta shariga iyo heshiisyada, Jabbuutina imtixaankaas waa ay ku dhacday”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here