Iska Jir In Aad Furesir Ah Oo Keliya U Samaysato Xisaabahaaga Kala Duwan Ee Internet Ka

0
911

Berlin (Geeska)- Xafiiska Federaalka ee sugidda ammaanka tiknoolajiyadda ee dalka Jarmalka oo magaciisa afka Jarmalka loo soo gaabiyo BSI ayaa ku taliyey in dadku ay ka fogaadaan in furaha sirta ah ee adeegyadooda iyo xisaabahooda kala duwan ee internetka ay ka dhigaan mid keliya. Xeeldheereyaasha Jarmalku waxa ay sheegeen in adeegsadaha bogagga iyo xisaabaadka internet ka ay khatar ku tahay in uu isticmaalo fure keliya oo sir ah. Tusaale ahaan in uu isku mid ka dhigo furihiisa sirta ah ee sanduuqiisa E-mailka iyo fureyaasha sirta ah ee uu ku xidho bogagga iyo xisaabtiisa meheradaha internet ka ee uu wax ka iibsado, iyaga oo sheegay in dhibaatadu tahay in haddiiba si uun ay u dhacdo in la helo mid furayaashiisa sirta ah ka mid ah, ay khatar gelayaan dhammaan xisaabihiisa kale oo dhan, haddii ay leeyihiin fure kaas hore la mid ah ama ku dhow laga fikiri karo.

Dhinaca kalana Xafiiska BSI waxa uu ku taliyey in qofku uu xisaabihiisa kala duwan ee internet ku xidho taleefankiisa gacanta, si gaar ahna u isticmaalo adeegyada farriinta taleefanka (SMS) soo dira haddii la isku dayo in la beddelo furaha sirta ah, taas oo ah habka ugu dhaqsaha badan ee uu qofku ku ogaan karo in ay jirto cid ku hawlan dhibaataynta xisaabihiisa gaarka ah ee internet ka.

Warka xafiiska BSI oo ay faafisay shabakadda wararka Jarmalka ee DPA waxa uu ku taliyey in qofka leh xisaabo iyo bogag kala duwan oo internet ka ah, dhammaantoodna fureyaal sir ah lihi, halkii uu hal fure ku wada xidhi lahaa isaga oo ka baqaya in uu illaawo ay ka fiican tahay in uu isticmaalo barnaamijyada kaydinta iyo maamulka fureyaasha sirta ah oo qofka ka caawinaya in fure aad u adag oo aan la jabsan kari samaysto, kaddibna aanu illaawin oo uu barnaamijkani u kaydiyo.

Barnaamijyada qaabkan u shaqeeya ee BSI ay tilmaamtayna waxaa ka mid ah Barnaamijka ‘KeePass’ ama ‘1 Passowrd’ oo uu fududaynaya in aad isaga fure sir ah oo keliya u samayso, kaddibna marka aad gasho uu ku siiyo liiska fureyaashaada sirta ah oo dhan.

Xafiiska Federaalka ee ammaanka Xogta tiknoolajiyaddu waa waax heer federaal ah oo dawladda Jarmalka uga masuul ah maamulka kombiyuutarrada iyo ammaanka warisgaadhsiinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here