Ishu Waa Daaqadda Ruuxda: Shan Faa’iido Oo Ku Jira Xidhiidhka Deymada Ee Qaabkii Bill Clinton (Q. 1aad)

0
1041

 

Deymadu indhaha qofku waa nooc ka mid ah luuqadda jidhka aadumuhu ku hadlo, oo aan ka muhiimad yarayn kelmadaha caadiga ah ee uu ku hadlo. Marar badan ayaa ay indhaheennu u hadlaan hab ka fiican ereyada aynu debnaha ka leenahay. Waa hab qofka si fiican uga caawin kara in uu xasuusto wejiyada dadka ay xidhiidhadu dhex maraan, marar badanna xidhiidhadeennu waxa ay ku bilowdaanba qacda koowaad ee deymada indhaha labada qof isku dhacaan.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay shabakadda wararka ee Aljazeera, cilmibaadhayaal u dhashay Jabbaan ayaa ogaaday in xidhiidhka indhuhu samaynayaan uu maskaxda ka qaato tamar dheeraad ah, oo marmarka qaarkood gaadhsiisan in ay shaqooyin ka kale ku dhex wadi kari weydo.

In qofka kula hadlayaa uu indhaha ku siin kari waayaa waa calaamad muujinaysa in uu wax qarsanayo, ama uu qabo dareen ah, warwar, khajillaad ama isla weyni iyo is diidsiin. Wax yaabaha ka dhashana waxaa ka mid ah in qofku muhiimaddiisa muujin kari waayo, ama ujeedadiisa runta ah gudbin kari waayo. Waxa kale oo ka mid ah in ay dhaawacdo shucuurta qofka, kalana fogeyso qofka uu doonayey in uu xidhiidh dhow la sameeyo.

Haybadda xidhiidhka

Deymada indhaha qofka aynu la xidhiidhaynaa waa xeelad la baran karo, dadka ugu badan ee cilmibaadhayaasha cilminafsiga casrigani tusaalaha u soo qaataan kuna taliyaan in lagaga deydana waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, oo awood u lahaa in salaantiisa gacanqaadka keliya ah uu qofka ku dareensiiyo muhiimadda iyo danaynta weyn ee uu u hayo.

Daraasado gaar loogu sameeyey qaabka uu madaxweyne Clinton u dhaqmi jiray marka uu qof la hadlayo, gacanqaadayo ama doonayo in ay is bartaan, ayaa tallaabooyinka uu qaadi jiray ee la ogaaday waxaa ka mid ah;

In uu adeegsado hibada uu u lahaa xidhiidhka indhaha ee uu la samaynayo qofka uu la hadlayo. Clinton inkasta oo uu abuur ahaan ahaa dadka indhahoodu yaryar yihiin, marka uu qof la xidhiidhayo waxa uu ku dadaalaa in uu xoog indhaha u kala furo, isla markaana geejiyo muruqyada wejiga, sunneyaasha iyo muruqyada ku xeeran indhaha. Clinton waxa kale oo uu xariif ku yahay qaababka madax lulista. Arrimaahas oo dhamina waxa ay caawinayaa dareenno isku dhafan oo xidhiidhka labada qof ka dhigaya mid midho dhal ah. waxa kale oo Clinton lagu xasuustaa qaabka xeeladda badan ee uu awoodda ugu lahaa soo afjaridda sheekada, iyada oo aanu qofku dareemin in uu ka degdegay ama soo gaabiyey kulankooda. Waa hannaan gogol xaadh leh oo uu si tallaabo-tallaabo ah dib ugu guranayo, isaga oo weliba qofka ku eegaya deymo uu qofku si dhibirsan ugu fahmi karo in uu leeyahay nabadeey, ama nooli kulantee.

Habkaas la ammaanay ee xidhiidhku ma’aha u dhalasho iyo hibo aanay cidi baran karin, balse waah ab lagu tababaran karo, qofkuna awood u leeyahay in uu isagun aftiisa baro.

Haddii aad is weydiinayso waxa laga dheefayo hab xidhiidhka aynu ka soo warannay ee indhaha la adeegsanayo, hoos ka eeg shan ka mid ah faa’iidooyinka ku jira:

  1. 1. Xurmayn: Xidhiidhka indhuhu waxa uu qofka dareensiiyaa in aad qaddarinayso, taas oo ku qasbaysa in uu isaguna xurmayn la mid ah kuugu jawaabo. Iska jir dhaqanka ah in qofka kaa sarreeya aad ka foorarsato, oo naftaada bar in aad indho xurmaynaya ku eegto, xitaa haddii uu yahay maamulahaaga shaqada, ama waalidkaa. Waayo indhuhu waa halka keliya ee laga dheehan karo run in aad sheegayso iyo dareenka diirran ee laabtaadu ay qofka u hayso.
  2. 2. Isfaham: Marar badan ayaa deymada tooska ah ee indhaha iyo debnaha qofka kula hadlayaa ay tahay habka keliya ee aad ku muujin karto xiisaha aad u qabto in aad fahamto waxa uu qofku ku hadlayo, iyo in aad gaadho jawaabta ‘Haa’ ama ‘Maya’ ah ee aad ka sugayso.
  3. Isku xidhnaan: Awoodda yaabka leh ee deymada indhuhu waxa ay gaadhsiisan tahay in ay isku xidho dareenka iyo xiisaha qofka ee muddada dheer ah. Deymada indhaha qofku waxa ay abuurtaa in ay kiciso ama baraarujiso unugyada neerfeed ee maskaxda qofka uu la xidhiidhayo.
  4. Kalsooni: Lillian Glass oo ku xeeldheer cilmiga akhrisa xarakaadka jidheed ee qofka ama waxa loo yaqaanno ‘Luuqadda jidhka’ ayaa sheegaysa in xidhiidhka indhuhu uu beero kalsooni, quwadda, hal-adayg iyo ixtiraam.
  5. Ogaanshiyaha afkaarta iyo dareenka: Waxaa jira hal ku dheg yidhaahda, ‘Ishu been ma sheegto’ waxaana la ogyahay in aanay jirin qiso jacayl oo aan ku bilaaban deymo indhaha labada qof oo isku beegmay ah. In indhaha qofka aynu eegnaana waa sida ugu fiican ee aad isugu dayi karto in aad fahamto fikirka ka guuxaya maskaxda qofka iyo dareenka runta ah ee uu ka qabo arrinka aad ka wada hadlaysaan.
  6. Ishaarayn / seenyaalayn:

– Wiilka indhaha oo aad weynaysaa waa calaamad aad ku muujin karto in aad sheegay qofku kuu sheegay la dhacsan tahay ama aad muhiimad weyn u hayso. Indhaha oo aad kala fidiso, adiga oo sunneyaashana kor u qaadayaana waa hab aad ku muujin karto in aad ka xuntahay waxa lagu sheegay.

– Indhaha oo biyo lagu soo joojiyo ama loo muujiyo in midabkoodu isla beddelay ilmo ku soo joogsatay ayaa ah xeelad kale oo uu qofka xariifka ahi ku muujin karo in aanu ka raalli ahayn waxa loo sheegayo. Dadka arrimaha sida gaarka ah ugu dhaqmaana waxa ay ku daraanba in ay indhaha gacanta ama masar ku masaxaan si ay u muujiyaan in ay si qarsoodi ah u joojinayaan illin ka imanaysay indhihiisa. La soco….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here