Ishaarooyin Iyo Xarakaad Kuu Suurtogelinaya In Qofka Samayna Aad Shucuurtiisa Si Fudud U Fahamto (Q.1aad)

0
536

Hareysa (Geeska)- Mar kasta oo aad qof kugu cusub la kulanto waxa aad jeceshay in aad fahamto shakhsiyaddiisa iyo weliba godka ay aragtidiisu ka cabto iyo waxa uu aaminsan yahay, sidoo kale marar badan waxaa dhacda in qofka aad la kulanto, shaqo iyo si shakhsi ah midda ay doontaba ha ahaato ee, aad jeceshay in aad fahamto waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaya. Waxaa laga yaabaa in aad is weydiiso, in waxa uu ku leeyahay uu yahay waxa run ahaan maskaxdiisa ku jira, iyo in uu yahay uun hadal uu adiga kugu qancinayo oo runtii ka fog. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Russia Today waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah ishaarooyinka haddii aad ku aragto qofka aad la kulansan tahay aad macnaha badan kala dhex bixi karto:

1. Gacmaha iyo lugaha: Haddii aad aragto qofka aad la kulansan tahay oo labada gacmood ama labada lugood is weydaarsaday, waxa ay astaan cad u tahay in qofkani aanu nafsiyan diyaar u ahayn in uu aqbalo aragtida cidda ka soo horjeedda, waana  xarakaad isaga oo aan is ogeyn ay naftiisu cidda kale isagaka soocayso, maskax ahaan, iyo jidh ahaan, kana taxaddarayso in ay la qiirooto arrin aanay diyaar u ahayni n ay aqbasho.

2. Dhoolla caddayn madhan: Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa mar kale caddaysay in qofku marka uu u dhoolla caddaynayo qofka uu la fadhiyo, aanay taasi ka turjumayn shucuurtiisa dhabta ah, ama in uu aqbalay rayiga ka soo horjeeda, laakiin ay tahay keliya in uu qofkan u muujinayo niyad wanaag, ama uu niyadda u dhisayo, marar badanna waxa ay u badan tahayba in uu qofku si badheedh ah u dhoolla caddaynayo isaga oo qofkan ku raalli gelinaya, waxa aanay ka duwan tahay dhoolla caddaynta aanu ku talogelin oo inta badna lagu garto in indhaha hareerahoodu ururaan / coodh-coodh yeeshaan.

3. In qofku uu ku daydo xarakaadka qofka uu la hadlayo: Haddii aad aragto qofka oo ku dayanaya xarakaadka qofka uu la hadlayo, sidiisa gacmaha u dhaq-dhaqaajinaya ama madaxa u lulaya, waxa ay taasi caddayn u tahay in qofkani uu ogol yahay, lana dhacsan yahay aragtida qofkan la hadlaya. Tusaale ahaan waxa ay arrintain aad ah u shaqaysaa marka waxa laga wada xaajoonayaa uu yahay arrin heshiis gelaysa.