Isbeddelka Cimilada Oo Ka Mid Noqday Sababaha Keena Cudurka Macaanka Ee Dunida Ku Sii Badanaya

0
2164

Dubai (Geeska)- Muddo dheer ayaa ay culimada ku xeeldheer cimiladu ka digayeen in kor-u-kaca heerkulka adduunku uu saamayn khatar ah ku yeelanayo caafimaadka qofka, gaar ahaan isbeddelka cimilada oo lagu xidhiidhinayo cudurro badan o oaan dawo lahayn iyo nafaqo darro in uu keeni karo.

Cilmibaadhis tijaabadeeda la waday intii u dhexeysay 1996-kii illaa 2009-kii ayaa lagu oagaaday in heerkulka dalka Maraykanku uu kordhay, isla markaana uu la kordhay faafitaanka cudurka macaanka, sida ay ku warrantay majaladda BMJ oo ka faalloota arrimaha caafimaadka.

Leizan Blaw oo ah haweenay cilmibaadhe ah oo ka tirsan xarun caafimaad oo ay leedahay jaamacadda Leiden ee dalka Netherland ayaa sheegtay in ay amakaag ku noqotay in dalka Maraykanka mar kasta oo dhibic / darajo ku korodho heerkulka dhulka ay sababi karto in ka badan boqol kun oo xaaladood oo cudurka macaanka ah sannadkii.

Cudurka macaanka noociisa labaad oo inta badan ku yimaadda miisaanka dheeraadka ah ee qofka fuula ama hidde, ayaa ay hadda kadib khubarada caafimaadku ku xisaabtami doonaan in uu sidoo kalana ku iman karo saamaynta ka timaadda isbeddelka cimilada. Laakiin waxa ay xeeldheerayaashu sheegayaan in hadda ay wadaan bal in la ogaado sababta runta ah ee keentay in cudurkan iyo isbeddelka cimiladu xidhiidh yeeshaan, in kasta oo ay goor horeba culimadu ogaadeen in heerkulka kordhaya uu saamayn ku yeelanayo noocyo ka mid ah dufanka jidhka ku jira iyo nudaha duxeed oo heerkulka ay u baahnaayeen hooseeyey maadaama oo shaqadoodu tahay in ay jidhka kululeeyaan si ay u gubaan dufanka jidhka ku jira, laakiin marka ay iyagii aad u kululaadaan ay taasi yaranayso awooddii ay u lahaayeen in ay caabbiyaan Insulin ta iyo sonkorta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here