IRIN Oo Warbixin Ka Qortay Xaaladaha Kufsi Ee Somaliland Iyo Caqabadaha Ku Gedaaman

1
626

imagesHargeysa(Geeska)-Wakaaladda wararka ee IRIN, ayaa warbixin dheer ka qortay kufsiyada ka dhaca Somaliland, sida ay kor ugu kaceen iyo weliba duruufaha ku xeeran dadka falalkaas gaysta.

Wakaaladda oo warbixintan shalay baahisay, ayaa waxa ay la kulantay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adaha sharci iyo amni ee dawladda Somaliland iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.

Cabdillaahi Cabdi Xasan, oo ah agaasime waaxeedka wasaaradda qoyska u qaabilsan arrimaha bulshada, ayaa isagoo wakaaladda IRIN, u waramay wuxuu yidhi “Waxaanu ku qiyaasnaa inay 5.000 [shan kun] oo dhacdo kufsi ah ka dhaceen Somaliland sannadkii 2012, halka sannadkii 2011 ay dhaceen  4,000 oo dhacdo.”

Xarunta SARC ee loo yaqaano Baahi-Koob, oo ka hawlgasha arrimaha kufsiga, ayaa wakalaadda u tilmaantay in kor u kac uu ka muuqdo kufsiga. “Xaruntu waxay heshay 195 xaaladood sannadkii 2012, halka ay 130 xaaladood qabatay sannadkii 2011.” Sidaas waxa yidhi Axmed Daahir Aaden, oo ah agaasimaha SARC.

Iyadoo ciqaabta xabsi ee dambiilaha kufsiga sameeyaa uu Somaliland yahay shan ilaa shan iyo toban sannadood, haddana dhacdooyinka waxa qaarkood lagu dhammeeyaa banaanka maxkamadda iyagoo loo marayo jidka dhaqanka, iyadoo qofka dambiga gaystay uu bixiyo yarad islamarkaana uu guursado qofkii uu dhibaatada u gaystay.

Wakaaladda IRIN, waxay la kulantay guddoomiyaha ururka horumarinta dhallinyarada ee SOYDA Faysa Yuusuf Axmed, oo sidan tidhi “Tusaale ahaan qoyska qofka dambiga gaystay ayaa lacag siiya qoyska dhibanaha” ayay tidhi Faysa Yuusuf Axmed, oo ah guddoomiyaha ururka SOYDA waxaanay intaas raacisay , “Marka taas lagu darro, mararka qaar dhacdada waxa la geeyaa maxkamadda waxaana qofka falka gaystay lagu xukumaa xabsi. Haseyeeshe qofka falka gaystay wuxuu bixiyaa lacag uu ku iibsado xabsigiisa waana la sii daayaa. Marka ay sidaas tahay, haddii aynu doonayno inaynu yarayno kufsiga, waa inaynu joojinaa arrimaha dhaqanka ee kufsiga lagu xaliyo iyo iibsashada xukunka.”

Ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Md. Aadan Axmed Muse, ayaa wuxuu ka hadlayaa dhibaato bahda garsoorka mararka qaar ka qabsata haweenayda la kufsado iyo qoyskeeda.  “Mid ka mid ah dhibaatooyinka nasoo waajahaa waaa arrinta dhaqanka ee lagu xaliyo kufsiga. Tusaale ahaan qoyska dhibanaha iyo qoyska qofka falka gaystay ayaa Nootaayo ku soo heshiiya, kana codsada maxkamadda in qofka galka gaystay la sii daayo. Xeer ilaaliyuhu wax ma qaban karo marka dhibanihii uu halkan joogo ee ay maxkamadda u sheegayso inay joojisay dacwadii qofka falka gaystay.”

Isagoo xeer ilaaliyaha guud ka sii hadlaya xabsi iibsashada dadka falalka kufsiga ah lagu helo wuxuu yidhi  “Mararka qaar, qofka falka gaystay waxa lagu xukumaa in ka yar mudada xeerka ciqaabta, ka dib marka uu garsooruhu tixgeliyo sida uu kufsigu u dhacay iyo duruufaha. Tusaale ahaan qofka wax kufsaday waxa lagu xukumaa shan sannadood. Wuxuu xabsiga ku jirayaa laba sannadood iyo badh, ka bacdina wuxuu codsanayaa inuu iibsado mudada u hadhay. Qiimaha ganaaxu waa 2,740,500 oo Somaliland shilling ah oo u dhiginta $ 421.61 Dollar, laakiin waxaanu imika ka fikiraynaa inaanu joojino.”

Fatxiya Xuseen Jaahuur, oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa tidhi, “Waxaanu xidhiidh la samaynay guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud iyo taliyaha Booliska si ay u joojiyaan farogelinta odayaal dhaqameedka. Waxaanu rumaysanahay haddiii eedaysanayaasha lagu ciqaabo dambigooda inuu kufsigu yaraan doono.”

Faysa, oo ah guddoomiyaha SOYDA, ayaa mar kale ka hadashay dhacdadii u dambaysay ee ay gudbiyeen,  “Dhacdadii u dambaysay ee aanu gudbinay waxay ahayd gabadh yar oo ku jirta xerada IDP-ga ee State house. Waxay ahayd gabadh lix jir ah, waxaana kufsaday nin. Dhacdadaasi waxaanu u gudbinay maxkamadda, waxaana lagu xukumay lix sannadood.”

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, oo ay wakalaadda IRIN soo xigatay ayaa wax laga xishoodo ku tilmaanay kufsiga sii badanaya, “Waa wax laga xishoodo inay cisbitaaladeenu maalin kasta qabtaan carruur la kufsaday.”

Comments are closed.