Internet Ku Waxa Uu Daciifiyey Kartidii Maskaxeed Ee Aadamaha Iyo Awooddii Xasuuseed Ee Uu Lahaa

0
748

Shaki kuma jiro in internet ku uu aadamaha u soo kordhiyey waxtar la aaminsan yahay in uu aad wax uga beddelay hab nololeedkii hore ee aadamaha, una fududeeyey hawlo baaxad lahaa oo qabashadoodu iyo dhaqaale inta hadda ka badan u baahnayd ama u soo dhoweeyey xogo laga yaabo in daafaha dunida ay ku kala baahsanaayeen oo aanay dhici karteen in qofku sidaas isugu soo ururiyo.

Laakiin waxaa soo baxaya dhibaatooyin garab socda waxtarkaas oo ay marba marka ka dambaysa sii ogaanayaan xeeldheereyaasha isku hawla baadhista cilmiga iyo saamaynta caafimaad ee tiknoolajiyaddu yeelan karto.

Mid ka mid ah cilmibaadhisaha ugu dambeeyey ee arrintan lagu sameeyey oo ay iska kaashadeen Jaamacadda Western ee dalka Ustareeliya, Harvrad oo Maraykanka ah iyo Jaamacadaha Royal colleg, Oxford iyo Mancheter ee dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in internet ku uu wax ka beddelo aasaaska kartiyeed ee maskaxda aadamaha, suurtagalna ay u tahay in uu si abadiya ah oo xooggan u beddelo qaabka shaqo ee qaybta garashada ee maskaxda, taas oo saamayn xun ku yeelata u fiirsiga qofka, xusuusta iyo galaangalkiisa bulsho.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda Journal of Medical Psychology oo ka faallooda arrimaha cilmiga ayaa intaas ku daraysa in isticmaalka badan ee internet ku si dhab ah saamayn xun ugu yeesho maskaxda, tusaale ahaan xogta, baaqyada iyo ishaarooyinka xad dhaafka ah ee internet ka kaga soo burqanayaa waxa ay sababaan in maskaxdu baahdo oo uu ka lumo u fiirsiga iyo in arrin keliya ay ka war keento.

Waxa kale oo uu isticmaalka internet ku qofka ku abuuraa isku halayn ah in aanay xogi ka lumayn ama wax kasta oo uu doonayo in uu barto uu ka heli karo internet ka, is dhigashadaas oo sababta in maskaxdu ay lumiso dareenkii ay ku garan kari jirtay xogaha muhiimka ah ee ay tahay in ay kaydiso, iyo awooddii kaydinta ee maskaxda.

Daraasaddu waxa ay caddaysay in dhibaatadani aanay ahayn mid ku kooban dadka waaweyn, balse uu sida oo kale internet ku carruurta ku keeno dhibaato dhinaca korniinka maskaxda ee dabiiciga ah, iyo xidhiidhada bulshada ay la leeyihiin, sidaa awgeed waxa ay ka digtay in carruurta loo ogolaado isticmaalka badan ee internet ka iyo guud ahaan qalabka casriga ah ee ciyaaraha internet ka ay ka helaan. Gaar ahaan xilliyada habeenkii oo khatartu sii badan tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here