Ingiriiska Oo Wasiirada G8 Ku Dhiirigelinaya Inay Taageero La Garab Istaagaan Dawlada Somaliya

0
477

 

UkLondon(Geeska)-Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Ingiriiska Mr. William Hague, ayaa sheegay inay shirka wasiirada arrimaha dibadda wadamada G8 ugu soo bandhigi doonaan taageerista dawladda Somaliya.

Mr. Hague, oo la hadlay Baarlamaanka Ingiriiska khamiistii, wuxuu sheegay in shirka wasiirada khaarajiga ee wadamada G8 magaalada London ku qabsoomi doono 10-11 April. “Waxaanu ku dhiirigelin doonaan wadamada G8 inay Somaliya u fidiyaan taageero siyaasadeed oo sare ka hor shirka Somaliya ee London ka qabsoomaya bisha May, kaas oo aanu wada guddoomin doono dawladda Somaliya.” Sidaas ayuu ku yidhi xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriisku, khudbadiisa, waxaanu isagoo Somaliya ka sii hadlaya uu raaciyay, “wasiirada G8-ku waxay tixgelin doonaan taageerista sida ugu wanaagsan ee dib loogu soo noolayn karo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah ee Somaliya.”

Dawladda Ingiriiska, ayaa u muuqata inay kool-koolinayso dawladda Somaliya islamarkaana ay doonayso inay awoodeeda diblomaasiyadeed ku dhaqaajiso hay’adaha dawladaas oo muddo 21 sannadood ah fadhiid ahaa.