Kuliyada Shareecada Ee Jaamcada Gollis Oo Qabatay Kulan Diimeed Muhiim Ah

0
558

 

Hargeysa( Geeska )- Ardayda kuliyada shareecada iyo daraasaadka islaamiga ah ee jaamacada Gollis, ayaa soo qabanqaabiyay kulan diimeed ku saabsanaa sida ay gabdhaha muslimka ah ku ilaashan lahaayeen diintooda.

Kulankan oo ahaa mid balaadhan isla markaasna ay ka soo xaadireen haween badan oo ka tirsan kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Gollis, macalimiin, gudoomiyaha jaamacada Gollis iyo masuuliyiin kale. Kulankan ayaa  ahaa mid logu xoojinayay sida gabdha muslinka ah ay isaga difaaci lahayd afkaarta qaldan ee ay in badan fidiyaan dalalka reer galbeedka iyo kuwa reer bariga, isla markaasna ay u qabsan lahaayeen quraanka iyo sunaha nabi Maxamed ( CSW).

Gudoomiyaha jaamacada Gollis Dr.Saciid Axmed Xasan oo ugu horayntii kulankaas ka hadlaayay ayaa yidhi“ Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa ardayda soo qaban qaabisay xafladan qiimaha badan iyo macalimiinta iyo madaxda jaamacada ee ka soo qaybgalay, sanad iyo dheeraad ayaa ka soo wareegay markii la furay jaamacada Gollis kuliyada shareecada xaqiiqdiina waxay maraysaa meel aad iyo aad u fiican, waxaanan u arkaa inay ku beegantahay halkii aanu ka doonaynay amaba ay dhaaftay, waxaan odhanyaa inyar oo dhiiri galin ah hablaha, islaamka Alle ayaa ina siiyay aad iyo aad inaan ugu mahadnaqno oo aan ku faraxno, weeye waa wax aynu dheernahay inbadan oo dadka aduunka ah, gabadha muslimada ahina waxaan odhan karaa door weyn ayay ku leedahay Islaamka, doorakaasuna waxa weeye islaamku waxa uu kaga duwan yahay diimaha kale iyo nidaamyada kale ee shaqeeya inuu marka hore qofka aadamiga ah awooda saaro, runtiina qofku marka uu hagaago ayay bulshaduna hagaagaysaa, qofka dumar ahina waa hooyadii  tarbiyadaba koobaysay ee unkaysay ee mujtamaca haysay, mujtamacuna waxa uu ka kooban yahay hooyada iyo intii ay dhashay.”

Gudoomiyaha ardayda kuliyada shareecada ee jaamacada Gollis Ibraahin Axmed Cabdilaahi, ayaa isaguna ka warbixiyay kulankan oo uu sheegay si gaar ah inay hablaha dhigta kuliyada shareecada ee jaamacad Gollis ay qabanqaabiyeen, isla markaasna ay tahay mid baraarujin ah.

Maamulaha kuliyada shareecada ee jaamacada Gollis Sheekh Muuse Maxamed oo dhankiisa kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu kulankan soo dhawaynaayo, waxaanu sheegay in ay aad u fiican tahay in bulshada lagu dhex fidiyo diinta maadaama oo ay nolsheenu u baahantahay.Waxaanu kooxdaas ardayda ah ee haweenka u badnayd uu kula dardaarmay in ay isku hawlaan fahanka shareecada islaamka ee samaawiga ah.

Maxamed Muuse Nuur ( Abu sufyaan ) oo ah suldaan dhawaan la caleemo saaray ayaa isaguna dhankiisa halkaa ka soo jeediyay hadalo dardaaran ah oo uu kula hadlaayay haweenkii kulankaas ka soo qabgalay isaga oo sheegay hadii hooyo wanaagsan ay soo baxdo inay bulsho wanaagsan ay soo baxayso, waxaanu soo dhaweeyay kulankas.

Kulankan ayaa ahaa mid ay soo abaabuleen hablaha dhigta kuliyada shareecada ee jaamacada Gollis, waxaanu ahaa kulan lagu baraarujinaayay haweenka fahanka iyo daraasaynta shareecada islaamka, is ay u soo baxaan hooyooyin unka bulsho islaam ah oo dhaqan wanaagsan diintoodana ku xidhan.