Hargeysa: Madal Bulshada Lagaga Codsaday Ka Qayb Qaadashada Rugta Kutubta

0
714

Picture1Hargeysa (Geeska) – Guddida dhismaha rugta Qaran ee buugaagta Somaliland (National Library), ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xafiiska wasiirka wasaarada waxbarashada ku iclaamiyey inuu dhamaaday guud ahaan qorshaha dhismaha rugta Qaran ee buugaagta, sidaa daraadeedna loo baahan in dadwaynaha reer Somaliland ay ka qayb qaataan dhaqaalaha lagu hirgalinayo.

 

Guddida dhismaha rugta qaran ee buugaagta ee la doonayo in laga hirgaliyo Magaalada Hargeysa oo ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aaden, Wasiirka qorshaynta Dr Sacad Cali Shire, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Maareeyaha Telesom, Sheekh Maxamed Aaden Muxumed iyo Axmed Daahir Cilmi oo ah Guddoomiyaha mashruucan, ayaa dhammaantood shacabka ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhismaha rugta kutubta ee Somaliland, waxayna tafaasiil dheeraad ah ka bixiyeen faa’iidooyinka da’yarta iyo cid kasta oo aqoon doon ah ugu jirta Laybareerigan.

Guddoomiye Axmed Daahir Cilmi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay ku dhawaaqaan in rugta qaran ee kutubta Somaliland “Waxaynu isugu nimid inaynu ku dhawaaqno rugta qaran ee buugaagta iyo inaynu bulshada ka codsano inay kaalintooda ka qaataan” ayuu yidhi Axmed Daahir Cilmi.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden oo markaasi ka ka dib hadalka qaadatay, ayaa shacabka u soo jeedisay inay ka qayb-qaataan dhismaha rugtan oo u muhiim ah dhalinyarada ku jirta jaamacadaha iyo dugsiyada kala duwan, kuwaasi oo ay sheegtay in aanay hadda haysan meel wakhtigooda ku qaataan oo wax ku akhristaan isla-markaana aqoontooda ku dhisaan.

Wasiir Samsam Cabdi Aaden oo sidoo kale amaan u jeedisay dhalinyarada reer Somaliland ee keenay fikirka rugtan ayaa sheegtay in haddii shacabku isku tashado kan iyo kuwo kaleba hirgashan karo “Kan iyo kuwo kaleba waynu samaysan karnaa haddii aynu isku tashano” ayay tidhi waxayna intaa ku dartay “Qolooyinka reer UK way dedaaleen iyagaana fikirka keenay”

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay “Qaran kastaa wuxuu leeyahay meel uu xogtiisa ku urursado, nasiib daro Somaliland ahaan ma lihin, laakiin wuxuu shirkani daah-fur u yahay iskaashi” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu shacabka ugu baaqay inay gacan ka geystaan mashruucan “Shacabka waxaanu ka codsanaynaa inay gacan ka geystaan”

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo isaguna halkaasina ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waa Daah-furka sidii aynu u dhisan lahayn Rugta Kutubta (National Library) aynu inagu leenahay, waxaan filayaa qaybta ugu weyn ee ugu muhiimsan waxa ka qaadan kara saxaafadda, saxaafadda waxaan si gaar ah uga codsanayaa inaad qaybta ugu muhiimsan ka qaadataan (Tugta Kutubta Somaliland) si da’yarteenu u hesho aqoon, xaruntan dalkeena sumcad weynbay u tahay, umadda waxaan leeyahay ka qayb-qaata dhismaha rugta buuggaagta”

Maareeyaha shirkadda isgaadhsiinta TELESOM Cabdikariin Maxamed Iid, ayaa isaguna yidhi “Waxa la doonayaa in la dhisto rugta Qaran ee buugaagta, iyadda ahmiyada ay leedahay ay aad iyo aad u balaadhan tahay, in maskaxda Bani-aadamka la koriyo waxa kow ka ah aqoonta, aqoontuna waxay baahan tahay wixii la qoray meeshii lagu kaydin lahaa, dhalinyarada inoo kacaysa iyo dadka waaweynba waxay u noqonaysaa meel ay isugu yimaadaan oo ay aqoonta ku korodhsadaan.

Saxaafadda waajib gaar ah ayaa ka sii saaran, waayo jaraa’idka maanta afka la iska marinayo marka la akhriyo meel lagu kaydinayaa aanu jirin waxa dhacaya in boqol sanadood iyo in ka badanba inta la ururiyo oo la bedallo la kaydiyo  oo inanka maanta 30 jirka ah ee jaraa’idka wax ku qoraa ay u noqon doonto meel ilaa 80 jirkiisa maqaalkiisii ku sii qoran yahay oo laga sii faa’ideysto, markaa waxaanu halkan umadda uga jeedinaynaa in hiil iyo hooba la isku barbar taago sidii aynu uga midho dhalin lahayn dhismaha rugta buugaagta, ILAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu inoo fudueeyo”

Sheekh Maxamed Aaden Muxumed, oo isaguna halkaasi gabogabadii ka hadlay ayaa yidhi “Goobta aynu ka hadlaynaa waa halkii aqoontii oo dhan la isugu soo ururin lahaa, buugaagtii inaynu meel isugu keeno oo aynu mustaqbalkeenii halkaa isugu ururino oo aynu ubad iyo umad aqoon leh noqono waa mid waajib ah”

FIIRO GAAR AH:: Muwaadin waxa lagaa codsanayaa inaad ka qaadato aas-aaska Rugta Kutubta ee Somaliland oo laga dhisayo Caasimadda Hargeysa, waxa lagaa rejaynayaa inaad ku tabarucdo wixii karaankaaga ah, sida $ 2,5,10,20,50,100 ama wixii intaa dheer ee karaankaaga ah., waxaad tabarucaadkaaga ku soo diri kartaa Dahabshiil Acount: HTGD 20360 ama Zaad-ka oo ah 4248066.