Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Kalfadhigooda 27aad

0
473

Picture2Hargeysa(Geeska)-Mudaneyaasha Golaha wakiilada Somaliland, ayaa shalay ansixiyay Ajandaha kalfadhiga 27-aad ee golaha wakiilada oo dhawaan furmay kadib markii shalay mudaneyaashu ka doodeen.

Fadhiga oo uu gudoominayay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa goob joog ahaa 45 mudane, waxaana cod loo qaaday ku ogolaaday ajandaha 33, waxaa diiday 11 mudane, halka hal mudane ka aamusay, sidaasna Ajanduhu ku ansaxay.

Ajandaha Kalfadhigan, ayaa ka kooban 8 xeer oo uu ka mid yahay xeerka lagu dooranayo Golaha wakiilada, waxaanay kala yihiin:-

Xeerka Duulista iyo Hawada

 Xeerka Waxbarashada Qaranka

 Xeerka Nidaamka Xukuumada

 Xeer hoosaadka Golaha wakiilada

Xeerka Ka ganacsiga Hawlaha Bangiyada

Xeerka Ladagaalanka Argagixisada

Xeerka Doorashooyinka Golaha wakiilada

Xeerka Caasimada.

Golaha ayaa la filayaa inuu Xeerarkaasi ansixiyo inta uu socdo kal fadhigani, waxaanu Gudoomiye Cirro sheegay in aroorta la bilaabi doono hawlaha Shaqo ee Golaha.