Ingiriiska Oo Hadal Uu Lahaa Saxaabigii Weynaa Ee Abu Bakar A-Siddiiq U Daliishaday Ilaalinta Deegaanka

0
736

Afhayeenka xukuumadda Ingiriiska ee arrimaha bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika Rosie Dyas ayaa dhowaan dad badan ka yaabisay kaddib markii si aan madaxda reer galbeedka aad looga baran ay soo daliishatay hadal uu lahaa saxaabigii weynaa hoggaamiyihii dawladda Islaamka ee nebiga dabadii Abi Bakar A-Siddiiq.

Rosie Dyas ayaa barteeda twitter ka ku qortay farriin ay ku baaqayso in hawada laga ilaaliyo wasakhowga, waxa aanay ku bilowday hadalka saxaabiga weyn ee Abi Bakar Siddiiq oo Afcaraboga ku qoran, “Abi Bakar A-Siddiiq – Alle ha ka raalli ahaado ee – waxa uu yidhi, ha goynina geed midho leh, deegaan cammiran / magaalana ha burburinina, hana dilina neef xoolaha haddii aydaan cunto ahaan u qalanayn, hana gubin geed timir ah, ama biyo ha ku qarqinina”

Farriintan oo ay Rosie Dyas ugu gogol xaadhayso shir hawleed lagaga arrinsanayo arrimaha cimilada oo sannadka soo socda ee 2021 ka qabsoomi doona magaalada London, ayaa hadalladaas Abi Bakar A-Siddiiq kaddib waxa ay qortay, “Waxaa waajib innagu ah in aynu ilaalinno arlada, si aynu xal ugu helno dhibaatada isbeddelka cimilada”

Waxaa la qorshaynayaa in shir madaxeedka 26 ee Qaramada midoobey ka yeelato arrimaha isbeddelka cimiladu uu sannadka soo socda ka qabsoomo magaalada Glasgow ee Scotland, waxaana ka soo qaybgeli doona ergo ka badan 30 kun oo isaga imanaysa adduunka oo dhan.

Xeeldheereyaasha cimilada adduunka ayaa ka digay haddii aanay adduunyadu wax ka qaban xakamaynta isbeddelka cimilada in la filan karo in sannadka 2050 ka ay tirtirmaan deegaanno adduunka ka mid ah oo hadda la deggen yahay, kaddib marka ay biyuhu dul maraan.