Indooniisiya Oo Caleenta Shaaha, Bun Iyo Saliidda Timirta Laga Saaro Ku Beddelanaysa Diyaaradaha Dagaalka Ee Casriga Ah

0
1077

Jakaarta (Geeska)- Dalka Indooniisiya ayaa heshiis rasmi ah oo maadays u eeg waxa ay dalka Ruushka kula gashay in diyaaradaha dagaalka ee Sukhu oo uu Ruushku sameeyo ku beddelato noocyo ka mid ah cuntada uu dalkeedu caanka ku yahay.

Wasaaradda ganacsiga ee dalka Indooniisiya ayaa horraantii bishii Ogos shaaca ka qaadday heshiis ay dalka Ruushka la gashay oo dhigaya in caleenta Shaaha, Bunka iyo Saliidda Timirta laga saaro oo dalkaas hodan ku yahay ay dalka Ruushka kaga beddelato 11 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushku soo saaro gaar ahaan noocyada Sukhoi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ganacsiga oo magaciisu yahay Maaruloob Ninqowlaan ayaa sheegay in heshiis isfahan oo ay labada dawladood ee Ruushka iyo Indooniisiya magaalada Moosko ku kala saxeexdeen 4tii bishii Ogos ee sannadkan uu dhigayey heshiiskan isweydaarsiga (Isku doorinta) diyaaradahan dagaal iyo cuntooyinkan.

Afhayeenku waxa uu sheegay in cunaqabataynta ay Maraykanka iyo Midowga Yurub saareen dalka Ruushku ay tahay fursad xoojinaysa ganacsiga ay isdhaafsadaan dalkiisa iyo ruushku.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarab 21 ayaa intaas ku daray in dalka Indooniisiya uu sannadkii 2003-da dalka Ruushka ka iibsaday diyaaradaha dagaalka oo isla noocan Sukhoi ah, xilligaas oo ay Ruushka saarnayd xayiraad iibka hubka ah oo ay ku soo rogeen Maraykanka iyo Yurub.