“In Aanu Ku Dadaalo Hagaajinta Tayada Waxbarashada Ee Dalka Waa Waajibkayga”

0
633

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokar Maxamed, ayaa ka hadlay  Dugsiyada Waxbarashada Dawladda iyo Dugsiyada Waxbarashada gaarka loo leeyahay, waxaanu tilmaamay inay dhammaantood ay wada hoos yimaadan Wasaaradda Waxbarashada, waxaanu xusay inay manaahijta Waxbarashada hagaajinayaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokar Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee dhawaan lagu dhawaaqay natiijadii, guud ahaan Dugsiyadu aad bay u fiicnaayeen, Ardayduna natiijo wanaagsan bay keeneen, Xukuumad ahaana waxaa naga go’an in aanu hagaajino manaahijta Waxbarashada  dalka, si ay inoogu soo baxaan Arday aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba dhisan, guud ahaan Dugsiyhada Dawladda iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahayba waxay wada hoos yimaadan Wasaaradda Waxbarashada, markaas in aanu ku dadaalo hagaajinta tayada waxbarashada ee dalka waa waajibkayga”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada mar uu ka hadlaayey Dugsiyada ayaa yidhi “Waa tan oo imika Dugsiyadii waa la wada galay, markaas waxaan leeyahay Waalidka ubadkiina ka war haya, oo ogaada hadba heerka ay Waxbarashadoodu marayso, Macalimiintana waxaan leeyahay si daacadnimo ku dheehan tahay ubadka wax ugu dhiga, Maamulkana waxaan leeyahay mar walba ka war haya qaabka Ardayda wax loogu dhigayo, anagu Wasaraad ahaana waanu ka war haynaa oo waanu la soconaa, dhawaana waxaanu tababar loo furi doona Maamulayaasha Dugsiyada”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here