Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Madaxweynaha Jubaland Ka Codsaday Inuu Caleemo-saarkiisa Ku Casuumo

0
890

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaanu ugu hambalyey doorashada uu ku guulaystay, , waxaanu ka codsaday inuu ku casuumo xafladda caleemo saarkiisa.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Dawladda Somaliya ugu baaqay inay wax ka barato nidaamka dawladnimo ee ka jira Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi“Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa, ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waa qolo ay Maskaxoodu gabowday, waxayna wadaan inay cubudhin, cadaadis iyo xoog ay wax ku socodsiiyaan, sidii umadda Somaliya ee dhawr iyo labataanka sanno dagaalku ku socoday, loo maamuli lahaa, loona dajin lahaa, halkii ay ka sameeyn lahaayeen ayey bilaabeen tii hore ee u horseeday burburka iyo halaaga, oo ahaa in xoog iyo ciidan wax lagu muquuniyo, Axmed Madawe waa nin geesiya, waa nin halyey ah, wuxuu ka gilgishay wixii la doonayey in lagu sameeyo, ee ahayd in la cudhiyo, wuxuu ka gilgishay in la xaqiro, waxaan leeyahay halyey ayaad tahay, waxaad ka soo jeeda Darwiishkii Sayid Cabdale Xasan, waana ku hambalyeynayaa, waxaana ka codsanayaa in maalinta aad sameeynayso caleema saarkaaga inaad igu casuunto, si aan ku taagero”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here