Wasiir Sacad Oo La Sheegay In Mar Kale Ku Sime Looga Dhigay Wasaaradda Arrimaha Dibadda

0
918

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu mar kale Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire u xilsaaray inuu ku sime ahaan masuul uga sii noqdo wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamig ah, ka dib markii uu wasiirkii arrimaha dibadda Mr. Yaasiin Xaaji Faratoon uu muddooyinkii u dambeeyay hawlo gaar ah ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in Wasiir Sacad Cali Shire uu wasaarada khaarajiga u sii ahaan doono ku sime, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu Wasiirkiisa Dr. Sacad u asteeyay inuu dusha ka sii wado hawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, lamana oga inuu maalmaha qaar wasaaradda fadhiisan doono iyo in kale.

Laakiin 28 Julay ayaa la arkay Wasiir Sacad Cali Shire oo madaxweyne Biixi kala qayb galay kulan uu la yeeshay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire James Swan oo socdaal ku yimid Hargeysa, waxaanay kulankaas ka dib  Wasiir Sacad iyo  ergayga Qaramada Midoobay ay wada jir shirjaraa’id ugu qabteen xarunta madaxtooyada, waxaana maalintaas soo baxay su’aalo la iska weydiiyay doorka Wasiir Sacad ee arrimaha dibadda.

Wasaaradan khaarajiga ayaa waxay leedahay wasiir-xigeen iyo agaasime guud, waxaana xusid mudan in Wasiir-xigeenku uu danjire James Swan maalintaas soo dhaweeyay, kana qayb galay kulanka madaxtooyada, balse aanu haddana la qaban kulankii saxaafadda loogu tallo galay.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa bishii June waxa la ogaaday in Madaxweyne Biixi uu ku sime ahaan ugu asteeyay wasaaradda qorshaynta oo uu wasiirkeedii Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa, iyadoo ay wasaarada qorshayntu leedahay wasiir-xigeen iyo agaasime guud.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu la xidhiidhay Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon oo dalka dibadiisa ku maqan, oo uu weydiiyay jiritaanka warkan, waxaanu si kooban u yidhi “Waa dhab oo dalka waan ka maqanahay, dalkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne Qaran, markaas haddii uu Madaxweynuhu Wasiir Sacad si ku meel gaadh ah uga sii dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, inkasta oo Wasiir ku xigeenkii joogo, haddana haddii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland  Muuse Biixi Cabdi garto inuu Wasir Sacad Cali Shire uu ku sii sime ka dhigo wax dhiba oo ku jirtaa ma jirto, wax walbana wax lagama dayo,  waxna lagama soo saaro”.

Hase yeeshee Wasiirka maaliyadda Sacad Cali Shire oo uu Geeska Afrika isna isku dayay inuu wax ka weydiiyo warkan ayaanay noo suurtogelin.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa muddo sannado ah wuxuu wasiir ka soo noqday labadan wasaaradood ee qorshaynta iyo arrimaha dibadda oo uu u leeyahay khibrad iyo aqoonba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here