Hargeysa (Geeska)- Caalim u dhashay dalka Ruushka oo ku xeeldheer cilmiga barashada shaqada xubnaha ee Fisiyooloji (Physiology) ayaa si adag uga digay khatarta ka dhalan karta ilmaha oo laga dhirbaaxo madaxa qaybtiisa dambe ee qadaadka loo yaqaanno. Kaas oo uu sheegay in uu keeni karo miyir beel iyo xitaa dhimasho.
Caalimkan oo lagu magacaabo Renad Minvalev ayaa isaga oo sharraxaya sababta nabarka ku dhaca qadaadku uu khatartaa u keenayo, ayaa waxa uu sheegay in, uu ku beegan yahay fakaak / dalool ku yaalla lafta madaxa qaybteeda dambe, kaas oo ay ku hoos taallo maskaxda qaybteeda laydiga u eeg ee ku taalla madaxa xaggiisa dambe oo afka cilmiga lagu yidhaahdo maskax dambeed (Medulla Oblongata), waxa kale oo jiiddaas qadaadka ku yaalla qaybta dambe ee habdhiska shabakadda maskaxda ee loo yaqaanno ‘Reticular Activation System’ oo ah shabakad balaladhan oo ah unugyo neerfeedyo fidsan inta u dhexeysa jiridda maskaxda illaa maskaxda qaybteeda ‘Grey Matter’ shaqooyinkeedana ay ka mid tahay qaabilidda iyo qabashada xogta dareenka ah, iyo in ay kala shiisho xogta ay tahay in ay marto ama aanay marin. Sida oo kale waxa ay shaqo muhiim ah ka qabataa isku xidhka wareegyada hurdo iyo soo jeed ee maskaxda. Qaybtan maskax-dambeedka ee qadaadka ku taalla shaqooyinkaas muhiimka ah ee ay qabato waxaa u dheer in ay tahay xarunta neefsiga.
Haddaba in qadaadka ay dhirbaaxo ama nabar ku dhacaa waxa ay keenaysaa in maskax dambeedka ka agdhowi ay gariir ama lulan samayso, waxa aanu ilmuhu halis u noqonayaa in uu miyir beelo, iyo in ka qaybqaadashadii neefsiga maskaxeed ee ay qaybtani qabanaysay joogsado, taasina dhaawac ku keento maskaxda, waxa kale ay keeni kartaa in uu ilmuhu si kedis ah u dhinto.
Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Medic Forum ee arrimaha caafimaadka ka faallootaa waxa ay macallimiinta iyo waalidka si gaar ah uga digtay in ay ilmaha ka dhirbaaxaan qadaadka, si aanu dhaawac ama burbur ugu dhicin habdhis neerfeedka dhexe ee maskaxda oo ah ka xubnaha iyo maskaxda isu xidha, sababta koowaadna u ah miyirka qofka. Waxaa iyaduna khatarteeda leh in ilmaha dib loo riixo, si aanay u dhicin in uu gidaarka ku dhufto qadaadka ama dhulka ku dhaco.