Ilka Xanuunka, Shaqada Habeenkii Ah, Cidhiidhiga Jidadka, Khuurada Iyo Hurdo Yaraantu Waxa Ay Qofka Ku Keenaan Wadne Xanuun Iyo Dhiig ku Furma Maskaxda

0
299

Wadne xanuunka oo adduunka aad ugu soo badanaya, sababaha hore loo ogaa ee keena waxaa ka mid aha nidaamka nafaqo ee qofka, sigaar nuugista,

ama jimicsi la’aanta. Laakiin sababuhu intaas kuma koobna, waxaa maalin kasta la ogaadaa sababo horleh oo muujinaya khatarta ay sigaar nuugistu ku hayso

Waxaa jira sababo badan oo keena wadne xanuunka, kuwaas oo marmarka qaarkood ay dhici karto in aynana ka warqabin, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Ilko xanuunka

Dadka qaba xanuunnada cirridka ku dhaca, ayaa la ogaaday in ay khatar u yihiin wadne xanuunka. Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin, bakteeriyada ku dhalanaysa cirridku in ay raacayso dhiigga, kaddibna sababayso caabuq iyo bukaan ku dhaca xididdada dhiigga, iyo wadne xanuun.

Shaqada habeenkii

Cilmibaadhis ay natiijadeedu dhowaan soo baxday, ayaa jaamacadda Western ee dalka Kanada ay ku ogaatay in shaqada habeenkii ah ama shaqada aan saacado go’an lahayn ay sababto wadne xanuun.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in shaqada habeenkii ay raad taban ku yeelato shaqada jidhka ee maalintii, tusaale ahaan waxa loo yaqaanno saacadda abuurka ah, oo ah hab uu jidhku kula qabsado saacad kasta iyo hawsha ay tahay in uu qabto.

Dadka aan shaqayn saacado go’an oo maalintii ah waxa ay khubarada caafimaadku kula talinayaan in ay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo ay kaga hortegeyaan khatarta wadne xanuun eek u dhici karta. Tallaabooyinka ay soo jeediyeenna waxaa ka mid ah in jimicsi joogto ah sameeyo, in uu cunto isu dheellitiran qaato, iyo in uu si joogto ah u sameeyo shaybaadho caafimaad oo uu ku hubinayo xaaladda wadnihiisa.

Cidhiidhiga jidadka

Qof kasta oo ku xannibma ama cidhiidhi badan kala kulma jidadku waxa uu dareemaa daal nafsadeed. Waxaa suurtagal ah in ay taasi tahay sababta ay cilmibaadhiso dhowaan soo baxay u muujiyeen in qofka ooh al saac cidhiidhiga gaadiidka ee waddooyinka ku xannibnaadaa ay kor u qaadayso khatarta ah in uu wadne xanuun ku dhaco.

Xaaladaha kale ee wadne xanuunka keena waxaa ka mid ah saxmadda iyo sawaxan sare ee inta badan ka jira jidadka waaweyn ee magaalooyinka.

Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen in siyaabaha uu qofku xaaladahan uga badbaadi karo ay ka mid tahay in uu rikoodhkiisa shito isaga oo dhegeysanaya cod deggen ama in uu la sheekaysto cidda gaadhiga la saaran.

Waqtiga caado goyska oo xilligiisa ka soo horumara

Dumarka qaar waxaa ku dhacda in dhiigga caadadu uu ka go’o waqti ka horreysa da’da la fisho in caadadu ay gabadha ka go’do. Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen in da’da lix iyo afartan jirka ka horreysa oo uu dhiiggu joogsadaa ay sabab u noqon karto wadne xanuun soo booddo ah, iyo dhiig furan maskaxda ku dhaca.

Hoos u dhac ku yimaadda hormoonka dheddiga ee Estrogen ayaa iyaduna kaalin weyn ka qaadatay khatarta ah in gabadha uu wadne xanuun ku dhaco.

Hormoonka ‘Estrogen’ waxa uu ka masuul yahay horumarinta iyo ka shaqaysiinta habdhiska taranka haweenka iyo soo saarista xubnaha dheddignimada iyo qaangaadhka calaamadda u ah. hormoonkani waxa uu caadi ahaan joogsada marka ay gabadhu gaadho da’da caado goyska.

Khuurada

Dadka khuurada badan leh waxaa inta badan ku dhaca xaalad khatar ah oo lagu magacaabo ‘Neef qabatow’. Waxa ay xaaladdani dhacdaa marka ay qayb ahaan xidhmaan marinnada neeftu, waxa aanay keentaa in neeftu qofka ka yara go’do.

Xaaladdani waxa ay keentaa Khalkhal ku dhaca garaaca wadnaha oo bilaaba in aanu si habsami ah u dhicin, dhiigga oo aad u kaca, wadnaha oo shaqada joojiya iyo dhiigfuran maskaxda ah.

Khubaradu waxa ay ku talinayaan in qofka xaaladdan isku arkaa uu la xidhiidho dhakhtar takhasus ah. maadaama oo ay jirto rajo ah in dabiibka iyo daweyntu ay qofka u suurtagelin karan in uu si fudud u neefsado, isla markaana ay yaraato khatarta ah in uu wadne xanuun ku dhaco.

Hurdo yaraanta

Dadka habeenkii hela hurdo ka yar lix saac waxa ay khatar u yihiin xanuunnada dhiigkarka iyo dufanowga dhiigga. Waxa kale oo lagu arkaa miisaankooda oo inta caadiga ah aad uga kor mara iyo xanuunka macaanka oo labaduba dhibaato gaadhsiiya caafimaadka wadnaha.

Waxa kale oo ay hurdo yaraanto kordhisaa khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada macaanka, dhiig ku furma maskaxda iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Xanuunnadaas oo dhammaantood ay uga nugul yihiin dadka la xaaladda ah ee iyagu habeenkii seexda sagaal saac.

Waxa kale oo ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in si caafimaadka jidhka iyo wadnuhuba u wanaagsanaado uu qofku seexdo habeenkii inta u dhexeysa 7 illaa 9 saacadood.

Wehel la’aanta

Marka uu qofku waqtiyadiisa firaaqada ku dhex qaato qoyska, ehelka ama saaxiibbada waxa uu ka bogsada sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah guud ahaan, waxa aanu dareemaa firfircooni dheeraad ah iyo furfurnaan. Laakiin haddii qofku uu waqtigiisa u badan ku qaato gooni-joognimo iyo meel dadka ka dheer, waxa uu inta badan khatar u yahay wadne xanuun.

Waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu samaysto xidhiidho bulsho iyo saaxiibbo, waxa kale oo muhiim ah in qofku uu ka shaqeeyo arrimo samafal iyo gacan qabashada saaxiibbada dhibaataysan ama dadka da’da ah iyo saboolka, dabeecadahaas oo uu cilmigu caddeeyey in qofka ay u yihiin caafimaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.