Ardayda Reer Nuuradiin Oo Qayb Libaax Ka Helay Kuuliyada Caafimaadka Ee Jaamacada Hargeysa

0
656

Hargeysa(Geeska)-Ardayda sannadkan ka qalin jabisay dugsiga sare ee Nuuradiin ee magaalada Hargeysa ayaa kaalin muhiim ah ka galay kuuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa oo loo galo tartan imtixaan oo adag.

Jaamacadda Hargeysa ayaa dhawaan dhawr kun oo arday oo sannadkan ka qalin jabiyay dugsiyada sare ee dalka ka qaaday imtixaan, waxaana kontonka arday ee ugu sareeya ka dhex muuqda ardayda dugsiga sare ee Nuuradin. Kontanka arday ee ugu sareeya waxa ka mid ah 21 arday oo ka soo jeeda bahda Nuuradiin, kuwaas oo ka mid noqonaya ardayda sannadkan bilaabaysa kuuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa.

Maamulka dugsiga Nuuradiin ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda Nuuradiin ee guusha ka soo hooyay jaamacadda Hargeysa.

Liiska ardayda 21-ka ah ee Nuuradiin ee galaya kulliyada caafimaadka jaamacada Hargeysa ayaa kala ah.

1