Ig Nobel Prize: 2 Ka Mid Ah Masalooyinka Cilmi Ee Sannadka 2016 Saynisyahannadii Lahaa Ku Mutaystay Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Maangaabnimada (Q. 2aad)

1
605

Washington (Geeska)- Qaybtii Labaad ee qormo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay oo ka warramaysa laba masalo oo cilmiya oo labadii saynisyahan ee sameeyey ku mutaysteen abaalmarintii ugu dambaysay ee Ig Nobel Prize sannadkan 2016.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Tomas uu abaal marintan la wadaagay nin kale oo lagu magacaabo Charles Foster, ninkan oo qudhiisuna u dhashay isla dalka Ingiriiska ayaa ay Tomas wadaageen abaal-maritna maangaabnimada ee sannadkan loogu talogalay saynisyahannada dhinaca Bayoolojiga, kadib markii uu isaguna sameeyey tijaabo aan wax badan ka duwanayn tan xoolaha lagu darsamayo oo uu isaguna la noolaaday xayawaanno kala duwan oo ay ka mid yihiin dacawooyin iyo garanuugo.

Foster oo ka shaqeeya jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska ayaa markii uu abaal-marintan qaatay waxa waxa uu warbaahinta ku yidhi, “Qofka bani’aadamka ahi sida caadiga ah waxa uu leeyahay shan dareeme, sida la ogyahayna Shantaa dareeme dareenka aragtida ayuun baa uu si xeeldheer u adeegsadaa oo uga faa’idaystaa. Taas ayaa ah sababta aynu uga arradannahay ama inta badan khalkhal ugu jiro aqoonteenna, waayo garashada araggu waa ay kooban tahay. Marka ay sidaas tahayna ma helno wax ka badan boqolkiiba 20 xogta cilmiga ah ee aan awoodin in ay iskeed isu muujiso. Haddaba xayawaanku waxa uu sideenna si aad uga fiican uga faa’idaystaa garashadiisa oo uu weliba awoodo in uu si aad ah ugu horumariyo qaab aynaan fahmi karin innagu”

Foster waxa uu sheegay in si uu u ogaado garashadaas iyo hab-dhaqanka ay xayawaanka ku hoggaamisay ee noloshiisa uu ku maamulo, ay qasab noqotay, in uu tago kaymaha dabiiciga ah eek a fog indhaha dadka,  isaga oo aaminsan in xayawaanka oo lagu dhex noolaadaa ay qofka siinayso fursad uu dabeecadda iyo macaamilka xayawaanka si aad u fiican u fahmi karo.

Abaal-marinta majaro-habaabinta dadka

Abaalmarinta Maangaabnimada ee Ig Nobel Prize qaybteeda Kiimikada waxaa ku guulaysatay shirkadda Volkswagen  oo ah shirkad gaadiidka samaysa oo Jarmalka laga leeyahay. Kadib markii loo aqoonsaday in ay dadka ka marin habaabisay xaddiga qiiqa wasakhaysan ee baabuurtu soo saarto, iyada oo samaysay barnaamij Kombiyuutar oo aad u horumarsan, kaas oo muddo sannado ah la isticmaalayey, kuna guulaystay in uu ka soo baxo shaqadii loo sameeyey ee ahayd marin-habaabinta dadka, laakiin ay fadeexad weyni shirkadda ku dhacday kadib markii la ogaaday khiyaamadan.

 

Comments are closed.