Idaacadii Cusbayd Ee Radio Hargeysa Oo Shalay Si Rasmi Ah Loo Tijaabiyay

1
591

 

idaacadaHargeysa(Geeska)-War-laliskii cusbaa ee Idaacadda Radio Hargeysa ayaa shalay laga wada dhagaystay goboladda dalka iyo qaar ka mid ah wadamadda jaarka ah, ka dib markii shalay hawada loo geliyay si tijaabo ah. Idaacadan ayay awoodeedu tahay 100kw, taas oo laga dhagaysan doono meelo badan oo caalamka ah.

 

Tijaabadaas shalay oo laga dhagaystay guud ahaan dalka iyo dalal kala duwan oo ku teedsan bariga Afrika iyo weliba bariga dhexe, ayaa waxay noqonaysaa idaacadii u horaysay ee 21-kaas sannadood ee ay Somaliland jirtay dalka wada gaadha, waxaana keenitaankeeda ku guulaystay koox dhallinyaro ah oo muwaadiniin ah oo maamusha shirkadda Brothers Trading Company. Shirkado kala duwan ayaa hore ugu fashilmay inay dalka u keenaan idaacad wada gaadha, iyadoo dhawr goor ay xukuumadii hore miisaaniyadaheedii ku dartay soo iibinta idaacad qaranku leeyahay.

Idaacadda cusubi waxay dabooli doontaa baahidii shacbiga Somaliland ee goboladda dalka iyo dibaduba u qabeen idaacad dalka oo dhan wada gaadha oo ay ka kala socdaan horusocodka dalkooda, waxaanay soo afjaraysaa 21 sanadood oo dhegaha bulshadu u rahmanayeen idaacado shisheeye.

Idaacada cusub ayaa ka mid ahayd balan qaadkii Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu ku jiray olalaha doorashada madaxtooyadda, waxaanay ku guulaysatay inay balan qaadkaasi ku fuliso laba sanadood iyo Billo, waxaana la filayaa in marka ay dhawaan rakibisteedu dhammaato si rasmi ah loo hawlgeliyo.

Comments are closed.