David Shinn Oo ka Hadlay Sida Lagu Xalin Karo Khilaafka Somaliland Iyo Somaliya

0
561

shineWashington (Geeska)- Professor, David Shinn, ayaa difaacay eedayn loo soo jeediyey Meles Zenawi, inuu ka danbeeyey abuuritaanka Shabaab, isla markaana sheegay in khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalin karo dawlad sal balaadhan oo Muqdisho laga sameeyo.

 

David Shinn, oo hore u ahaan safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa wareysi uu Maxamuud Walaaleye, oo Geeska Afrika ka tirsani la yeeshay ku sheegay inaanu rajo fiican ka qabin isbedel siyaasadeed oo mustaqbalka dhow ka dhaca Soomaaliya.

Wareysigii iyo jawaabhii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan;

Sidaad u aragtaa hadalkii Faarax Macalin, gudoomiye-ku-xigeenka baarlamaanka Kenya ku sheegay in Meles Zenawi ka danbeeyey aburitaanka Shabaab, sida hadalkaasi u samayn doono xidhiidhkii labada dal, iyo in loo qaadan karo mowqifka Kenya hadalkaa?

Waxaan u dhaafayaa xukuumada Kenya inay go’aan ka gaadho hadii hadalka Faarax Macalin tilmaamayo mowqifkeeda, sidoo kale, labada wadan ayey ku xidhan tahay haduu saameyn ku yeesho xidhiidhkooda. Waxaan doonayaa inaan iftiimiyo shabaab inay jireen ka hor intaan Meles Zenawi ciidamada Itoobiya u dirin Soomaaliya sannadkii 2006. Dhinaca kale, joogitaanka ciidamo badan oo Itoobiya ah caasimada Muqdisho, waxay fursad siisay shabaab. Waxaan odhan karaa gelitaankii Itoobiya bilowgii khalad ayuu ahaa, sidoo kale in eeda koboca Shabaab dusha laga saaro Meles Zenawi waa khalad kale.

Ma filaysaa in hadalka Macalin, caqabad ku keeno weerar wadajir ah oo ciidamada Itoobiya iyo Kenya ku ekeyn lahayeen Kismaayo, maadama, kala taageerayaan laba qabiil wadamadaasi?

Qabsashada Kismaayo, iyo weliba ku soo celinteeda maamulka xukuumada Soomaaliya waa muhiimad, laakiin m asaadaalin karo in taasi bilaha soo socda dhici karto. Sidaa waxa qabtay Kenya sannadkii hore balse ma dhicin. Shaki ayaan ka qabaa in Kismaayo si fudud lagu qabsado, laakiin, ku negaadka ciidamada shisheeyey muddo dheer magaalada Kismaayo waa fikir khaldan.

 Sidaad u aragtaa wada hadal mustaqbalka dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, marka la eego dastuurka lagu ansixiyey Muqdisho ee Soamliland ku sheegay gobol ka tirsan?

Marka xukuumad sal balaadhan oo ku wada qanacsan yihiin dhamaan Soomaalidu la helo, markaa, ayey muhiim noqonaysaa in wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland oo ku saabsan mustaqbalka labada dhinac dhacaan. Waa sidaa, xalka keliya ee lagu xalin karo khilaafka u dhexeeya labada xukuumadood.

Yaa maamula Soomaaliya xilligan ayaad filaysaa, marka la eego in xilligii kala guurku dhamaaday, weli xukuumad cusubna la dhisin?

Kooxo kala duwan ayaa kala maamula qeybaha Soomaaliya. AMISOM iyo ciidamada xukuumada ku-meel-gaadhku xilligan waxay maamulaan in badan oo Muqdisho ah. Ciidamada Itoobiya, iyo maleeshiyaadka kale waxay haystaan magaalooyin muhiim ah oo xuduudka Kenya ku yaal. Kenya qeybo badan oo gobolka Jubada hoose ayey maamulaan. Puntland in badan oo deegaankooda, Shabaab weli, in badan oo Soomaaliya ayey maamushaa. Mustaqbalka Soomaaliya weli waa su’aal aan jawaab loo hayn oo ku xidhan qaab siyaasadeedka Soomaalida iyo sida loo sameeyo xukuumad si weyn loo taageersan yahay, oo musuqmaasuqa la dagaalanta. Xilligan, anigu rajo badan kama qabo isbedel siyaasadeed oo mustaqbalka dhow Soomaaliya ka dhaca.