“Kuwa Ka Ordaya Mujaahidiinta Xisbiga Badbaadinaysa Gudcur Baad Gudaysaan Ayaan Leeyahay”

0
2525

 

Picture1Hargeysa (Geeska)-Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi), oo ka tirsan golaha dhexe ee UDUB ayaa ka digay in kulan xisbigu ku lahaa shalay hotel Ambassador lagu doorto musharaxiin madaxweyne, raga ka ordaya wejiyada cusub ee xisbiga badbaadinayana ku sheegay inay gudcur gudayaan.

 

Cismaan C. Cigaal (Hindi), oo shalay shir jaraai’d ku qabtay hudheelkiisa Crown, ku sheegay in xisbiga UDUB badbaadadiisu waajib ku tahay mucaarad iyo muxaafad, kuna booriyey Cali maxamed Warancade, inaan la gaadhin xilli loo tartamo musharax madaxweyne, sidii ballankii xisbigu ahaa ee hore rag badan loogu dabakhay. “Ka raali ma nihin, laguma midaysna, ajende laga raali yahay maaha, waxaan gogosha u sii dhigaynaa mujaahidiinta nagu soo biiraya, hadii la isleeyahay ka hordhaca taasi wax soconaya maaha, hadii laga baqayo xaq bay u leeyahiin inay hogaamiyaan UDUB, cid horjoogsan kartaana ma jirto…Madaxweynahii hore, Daahir Rayaale Kaahin, waxaan leeyahay gudoomiye ha degdegin.”

Isagoo raaciyey, “Xisbiga Udub ilaahay baa badbaadin kara, waad ogeydeen maalin dhoweyd Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Axmed Y. Yaasiin, ayaa isu casilay si xisbigu u badbaado, rag badan ayaa meelo kale u digo rogtay. Maanta xisbigu waxuu ku badbaadayaa in rag cusub iyo wejiyo cusub soo galaan, dib-u-xorayntii dalka rag abaal ku leh ayaan jecelahay inay maanta xisbiga hogaanka u qabtaan, inaan dib uga joogsano kuwii shalay dalka xoreeyey xaq baa naloogu leeyahay, kuw aka ordayana gudcur baad gudaysaan ayaan leeyahay”

Shirkaa jaraaid, ayuu Cismaan Hindi ugu digay gudoomiyaha xisbiga UDUB, iyo saaxiibadii uu ka magacaabay Cali Maxamed warancade, inaanay majara-habaabin hawshii badbaadinta xisbiga, hadii kale si dhab ah xisbiga UDUB laba garab u noqon doono,.