Hurdo La’aantu Waxa Ay Maskaxda Ku Yeelataa Raad Caafimaad Darro Oo La Mid Ah Ka Daroogada

46
4500

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daaha ka rogtay in hurdo la’aantu ay unugyada maskaxda ka joojiso la falgalka waxa ku xeeran, saamaynna ku yeelato qaabka uu qofku u arkayo dunida ku xeeran. Waxa ay khubaradu sheegeen in hurdo la’aantu ay sababi karto in qofka oo isu haysta in uu soo jeedo, haddana ay maskaxdiisu qayb ahaan seexato ama shaqadii looga baahnaa gaabis gasho, waxa aanay ka digeen in qofku uu gaadhiga kaxeeyo marka uu lulo dareemo.

Hurdada iyo awoodda dhalmo ee ragga

Shaybaadh lagu sameeyey maskaxda dadka aan hurdada habeennimo seexan ayaa xeeldheereyaasha jaamacadda California ee dalka Ingiriiska oo magaceeda loo soo gaabiyo UCLE waxa ay ogaadeen in daalka ka dhasha hurdo la’aantu uu xayiro unugyada maskaxda, kana hor istaago awoodda ay u leedahay xasuusta iyo la macaamilka dadka. Waxa kale oo ay hurdo yaraantu sababtaa kala duwaanshiyo aan rasmi ahayn oo ku yimaadda xusuusta iyo aragtida qofka.

Dr. Isxaaq Faraydh oo ah bare-sare oo cilmiga qlaniinka maskaxda iyo neerfeyaasha ka dhiga jaamacadda Califtonria ayaa sheegay in raadka aan fiicnayn ee caafimaadka ay ku yeelayo hurdo la’aantu ay ka mid tahay in qofku haddii uu gaadhi wado arki kari waayo gaadhi kale oo weyn oo ku soo jeeda dhinaciisa. “In qofku uu hurdo la’aan badan arkaa waxa ay keentaa khatarta ah in haddii uu gaadhi kaxeeyo uu arki kari waayo dadka hortiisa socda” ayaa uu yidhi Dr. Isxaaq oo intaas ku sii daray, “Jidhka oo hurdo la’aan badani ku dhacdaa waxa uu sababaa in unugyada dareenwadeyaashu ay awoodi kari waayaan in ay shaqadooda si habsami ah u qabsadaan” Dr. Isxaaq waxa uu sheegay in haddii ay hurdo la’aantu sii badato in ay keeni karto in maskaxdu geb ahaanba shaqadeega gabto.

Cilmibaadhuhu waxa uu xaqiijiyey in hurdada oo qofka ku yaraataa ay leedahay saamayn la mid tahay saamaynta ay daroogadu maskaxda ku leedahay.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna xidhiidh ka dhexeysiiyey hurdo la’aanta iyo xaaladaha nafsiga ah ee ay ka mid yihiin warwarka, waxa kale oo ay hurdo yaraantu keentaa buurni dheeraad ah iyo xanuunno uu ka mid yahay macaanka, wadne xanuunka iyo dhiigufranka masaxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here