Hurdada Raaxada Lihi Waxa Ay Kordhisaa Fariidnimada Gabadha, Laakiin Ninku Sidaas Waa Uu Ka Duwan Yahay

0
910

Hurdada habeennimo ee xasiloonida iyo farxadda lagu seexdaa waxa ay xoojisaa hawlgudashada maskaxda dumarka, halka fariidnimada ninkuna ay ku badato hurdada duhurka ka dambaysa oo waqti badan la seexdo. Sidaa waxaa daahfuray koox Saynisyahanno ah oo daraaseeyey xidhiidhka ka dhexeyn kara heerka maskaxdeed iyo fariidnimo ee gabadha iyo nooca hurdo ee ay habeenkii seexato. Sidoo kalana waxa ay ogaadeen in hurdada habeenkii iyo ta maalintii ay saamayn kala duwan ku leeyihiin raga iyo dumarka, sababta ugu weynina ay tahay kala duwanaanshiyaha hab-dhismoodkooda maskaxeed oo laba jinsi oo kala duwan iyo sidoo kale saamaynta ay hormoonnadu maalintii jidhka ku yeeshaan.

Saynisyahanno ka tirsan xarunta Max Plunk oo fadhigeedu yahay magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa tijaabo ay ku sameeyeen 160 ruux  heerka qiyaasta fariidnimadoodu u ay u soo baxday in raggu celcelis ahaan yihiin 77 halka dumarkuna ay dheeraadeen 11 dhibcood oo ay celcelis ahaan noqdeen 88. Saynisyahannadu markii ay xaqiiqsadeen kala duwanaanshiyaha fariidnimadooda, ay si gaar ah u baadheen tirada saacadaha ay seexdaan, shaqada maskaxdoodu qabato, iyo tirada dhaqdhaqaaqa indhahoodu maalintii sameeyaan, taas ayaana u muujisay in saamaynta ugu weyni ay ka timid nooca hurdo ee ay seexdaan.

Saynisyahannadu waxa sheegeen in ay jiraan baadhitaanno hore oo iyaguna isku xiday saacadaha hurdada ee raga iyo dumarka iyo saamaynta uu maskaxda ku leeyahay. Iyaga oo xusay in haddii gabadhu ay habeenkii si fiican u seexato, ay taasi raad togan oo caafimaad ahaan fiican u leedahay. Halka ragguna ay isla faa’idadaas ka helaan hurdada maalintii ee duhurka dabadii.

Saynisyahannadu waxa ay sheegeen kala duwanaanshiyaha weyn faa’idooyinka hurdada habeenkii iyo ta maalintii ay u yeelnayaan qofka, iyaga oo sababtana ku sheegay in hormoonnadan ay hurdadu saamaynaysaa ay markooda horeba habeenkii iyo maalintii si kala duwan u dhaqmaan una hawlgalaan. Bare-sare Martin Dressler oo madax u ahaa cilmibaadhayaashan daraasadda sameeyey ayaa mar uu ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waxaa jira waxyaabo badan oo saamayn ku yeesha heerka fariidnimo ee qofka, waxase jira ugu mudan hurdada”