WADDANI Oo Sheegay In Aanay Cunto Helin Dadka Lagu Xidho Saldhiyada Booliska, Qaylo-dhaana Ka Soo Saaray Xabsiyada Qaarkood

0
897

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa soo bandhigay War-bixin dhiillo leh oo uu ka diyaariyey Xaaladda ka jirta Xabsiyada Dalka iyo Saldhigyada Booliska qaarkood.

War-bixintan oo ka kooban 16 Bog isla-markaana loogu Magac-daray ‘Qaylo-dhaan isbeddel doon’ ayaa lagu sheegay in Jeelasha qaarkood aanay mudnayn in Bani-aadam lagu xidho marka la eego Xaaladda dhismayaasha oo Gaboogabay, Nadaafad-darro iyo Hab-dhaqanka Ciidammada Maamula oo aan si wanaagsan ula dhaqmin Dadka ay hayaan.

Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Xarunta Xisbigaasi ayaa sheegay inaan Dadka Saldhigyada Booliska lagu xidho aanay helin wax cunto ah oo ay ku noolaadaan, taasina tahay dhibaatooyinka muuqda ee ka jira Saldhigyada Dalka.

Xoghayaha Cadaaladda WADDANI oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu Xisbi ahaan walaac weyn ka qabnaa Xaaladda Saldhiyada iyo Jeelasha dalka Maxaabiista ku xidhan. Goobaha aanu Xaaladdooda ka dayrinayno waxay iskugu jirtaa 16 Jeel iyo Saldhigyo.”

Yoonis Axmed Yoonis wuxuu mid mid u sheegay Jeelasha iyo Saldhigyada Booliska ee ay Xaaladdooda War-bixinta ka soo sameeyeen “Saldhigga dhexe ee Hargeysa, Saldhigga Xaafadda New Hargeysa ee Hargeysa, Saldhigga Iftin ee Hargeysa, Saldhigga Daloodho ee Hargeysa, Saldhigga Ibraahim Kood-buur ee Hargeysa, Saldhigga Maxamed Mooge ee Hargeysa, Saldhigga Xaafadda Wada-jir ee Magaalada Berbera, Saldhigga dhexe ee Berbera, Xabsiga Weyn ee Berbera, Xabsiga Laascaanood, Xabsiga Boorama, intaasba Xaaladdoodu maaha Xaalad Caadiya, laakiin waxaanu bogaadinaynaa Jeelka weyn ee Hargeysa iyo Jeelka weyn ee Magaalada Burco oo ah Meelo nidaamsan oo Nadaafaddoodu fiican tahay, Ciidammada Asluubta ee Jeelashaa joogaana way ka dhaqan fiican yihiin kuwa Booliska marka Xaqiiqada laga hadlayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Jeelka Dumarka ee Gabiley wuxuu u baahan yahay dib u habayn ballaadhan, waxaan sinaba loo aqbali karaynin (Xaaladda) Jeelka weyn ee Berbera oo la dhisay ka hor Wakhtigii Isticmaarka, waana jeel guun ah oo Dadka ku xidhan iyo Dadka loogu talo-galay aanay tiro ahaan is lahayn, markaa waxaanu ku baaqaynaa in Jeelkaa Berbera la xidho ama dib u casriyeyn lagu sameeyo. Waxa kale oo aanay Xaaladdiisu caadi ahayn Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo aanay Nadaafaddiisuna fiicnayn, Cidhiidhi badan ka jiro, Dadka lagu hayaana tiradii (loogu talo-galay) dhaafeen.”

Xoghayaha Cadaaladda WADDANi wuxuu sheegay in aanay Dadka lagu xidho Saldhiyada Boolisku wax cunto ah ka helin halka ay ku xidhan yihiin “Dadka la xidh-xidho ee Saldhigyada ku jira oo aan Cunto helin..” ayuu yidhi.

Geeska.net/Hargeisa Office