Hooyooyinku Hablahooda Ha U Diyaariyaan Isbedellada Abuurta Ah Si Aanay Raad Taban Ugaga Tegin

0
902

Ubadku waa ammaano Alle u dhiibay aadamaha. Korinta, barbaarinta iyo in ilmaha loo diyaariyo nolosha adduun iyo aakhiro waa waajibaad akhlaaqeed, bulsho iyo diineed oo waalid kasta dushiisa saaran. Ilmuhu inta uu da’da koritaanka ku jiro waxa uu maraa marxalado iyo xaalado aad u kala duwan, oo ay ka mid tahay isbedellada ku imanaya jidhka iyo hormoonnadu in ay saamayn ku yeeshaan habdhaqankiisa, sidaa awgeed waxa uu waalidka uga baahan yahay garab istaag iyo in uu ka taageero ka gudbista marxaladdaas.

Marka aynu hablaha gaar u soo qaadadnana waxa ay xeeldheereyaasha habdhaqannada iyo koritaanka carruurtu sheegayaan in hooyada uu waajibaad dheeraad ahi ka saaran yahay sidii ay inanteeda ugu diyaarin lahayd ka gudbista duruufaha koritaan ee saamaynta maskaxeed iyo caafimaad ku keeni kara inanta.

Waa dhab in ay tahay marxalad waalidka qudhiisa ku adag oo aanu inta badan garan karin goorta uu mawduucyada qaar ka hadlo iyo sida ay tahay in uu uga hadlo, laakiin waajib ay tahay in uu ku dhiirrado gudashadiisa.

Xeeldheereyaashu waxa ay hooyada kula talinayaan in aanay sugin inta uu bilaabanayo isbedellada jidheed ee inantu, balse ay goor hore inanta u diyaariso kala hadalka dhammaan mawduucyada khuseeya gabadhnimadeeda oo ay ka mid tahay isbedellada jidheed ee ku soo socda, dareennada abuurta ah ee qaangaadhka ku lammaan iyo xaaladaha kale ee gabadh kastaa ay marto. Si aanay inanta ugu noqon soo booddo ku abuurta dareen qaldan oo ah in ay u aragto nusqaan ama ceeb ay tahay in ay cid kasta ka qariso.

Hablaha qaarkood waxa ay qaybo ka mid ah marxaladda qaangaadha ku gaadhaan 10 sano, mararka qaarna waxaa dhacda in 8 jirka uu hordhaceedu ku bilowdo. Sidaa awgeed hooyo kastaa waa in ay da’da siddeed jirka inanteeda ugu bilowda tababarka iyo wacyigelinta la xidhiidha duruufaha abuurta ah ee ku soo fool leh iyo sida ugu habboon ee ay uga gudbi karto.

Inta badan qaangaadhku waxa uu inanta ugu bilowdaa dufanka oo jidhkeeda ku bata ama miisaankeeda oo kordha, laabteeda oo isbeddel ku yimaaddo, dhererkeeda oo si xawli ah u kordha, iyo finan wejiga ah, sannad ama laba sano kaddibna waxaa u bilowda caadada oo iyaduna waayaheeda gaarka ah wadata. Arrimahaas oo dhan ayaa ah kuwo looga baahan yahay in hooyadu ay inanta u diyaariso ka hor inta aanay gaadhinba. Waayo waxaa jirta cabsi laga qabo in haddii isbedelladani ay inanta ugu bilowdaan wacyi la’aan in ay ku keenaan dhaawac nafsi ah iyo ugu yaraan cabsi nolosheeda hoos u ridda, oo saamayn xun ku yeelata horumarka inanta sida in ay waxbarashada sii wadi kari waydo iyo wixii la mid ah.

Hooyada waxaa looga baahan yahay in ay dhisto kalsoonida ay inanteedu ku qabto nafteeda, kuna beerto dareen ah in ay inantu ku faanto isbedellada ay arkayso oo aanay u arkin nusqaan. Sida oo kale waa in ay hooyadu ogaato in marxaladdaas isbeddel ay wadato xaalad nafsadeed oo cadho aan sabab lahayn diiqad iyo isbedel dabeecadeed keeni kara, sidaa awgeed hooyada laga rabo in ay dadaal u gasho la tacaalista xaaladahaas, dejinta inanta iyo in ay ka ilaaliso dhibaato kasta oo kaga iman karta dadka kale gaar ahaan ubadka ay la dhalatay oo aan xaaladdan fahamsanayn.

Hooyadu waa in ay ku dhac u yeelato in ay inanteeda arrimo xasaasi ah kala hadli karto, waxaa ka mid ah caadada oo laga rabo in ay fahansiiso in ay tahay xaalad dabiici ah oo horumar nafsiya iyo mid jidheedba u keenaysa. Hababka ay u fahamsiin karto waxaa ka mid ah in ay marka hore inanta barto sida uu jidhku guud ahaan u shaqeeyo, iyo sababta keenaysa caadada ama isbedellada kale ee gabadhnimo. Waa in ay fahamsiiso marxaladda inanteeda sugaysa ee hooyonimada iyo muhiimadda ay xaaladahani u leeyihiin hooyonimadeeda mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here