Hooyooyinka Haysta Ubad Ay Aabahood Kala Tageen Waxa Ay Khatar U Yihiin Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca

0
596

1London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa mar kale daahfurtay in hooyooyinka haysta ubad ay aabayaashood kala tageen ay ku badan tahay khatarta ah in ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo dhiigfuranka maskaxda, marka la barbar dhigo kuwa dhiggooda ah ee ay waalidkood wada joogaan.

Sida uu ku warramay Joornaalka American Journal of Health oo qoray daraasaddan uu Geeska Afrika soo turjumay cilmibaadhayaal muddo daraasaynayey warbixinaha caafimaad ee dhakhaatiirtu ka diyaariyeen 11 kun oo dumar Yurub ku nool ah iyo 6 Kun oo iyaguna ah dumar Maraykanka ku nool intii u dhexeysay 1935kii illaa 1956kii, ayaa waxaa ka soo baxday natiijada ah in dumarka ubad haysta ee ay ninkii carruurta dhalayna kala tageen boqolkiiba 40 wadne xanuunka kaga badan yihiin dumarka la midka ah ee aan la guursan ama saygooda ay wada joogaan, halka boqolkiiba 74 na ay kaga badan yihiin dhiigfuranka maskaxda boqolkiiba 77 na ku badan yihiin sigaar nuugista.

Frank Van Lenthy oo hoggaaminayey cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey, kana tirsan jaamacadda caafimaadka ee Erasmus oo ku taalla magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa isaga oo arrintan faahfaahinaya waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “Guurka iyo shaqadu waxa ay qofka dhaxalsiiyaan ama ugu yaraan ay kordhiyaan suurtogalnimada in qofku uu ammaan ka noqdo lacag la’aan, bulsho ahaanna ammaan dareemo” isaga oo ka sii warramaya saamaynta ka dhalanaysa haddii qofku uu labadaas waayana waxa uu intaas ku sii daray, “In qofku uu waayo taageeradii iyo iskaashigii uu ka helayey mataankiisa nolosha ama uu waayo kalsoonidii uu ka qabay sii socoshada shaqadiisu waxa ay ku keenaysaa warwar badan iyo cadaadis nafsi ah, waxa aana suurtogal ah in ay ka dhashaan xaalado caafimaad darro”