Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Somaliya Oo Maalmo Dib Loo Dhigay

0
566

 

Muqdisho(Geeska)-Guddiga doorashada ee hoggaanka Baarlamaanka Somaliya, ayaa dib u dhigay doorashadii hoggaanka Baarlamaanka.

Doorashada oo ay ahayd inay qabsoonto maanta ayaa loo riixay ilaa Salaasada toddobaadkan, waxaanay gudigu sheegeen inay jiraan hawlo qabyo ka ah oo aanay dhammaystirin. Geesta kale waxa is casilay dhawr xubnood oo ka mid ahaa tartamayaasha, waxaana la sheegay inay u tanaasuleen nin lagu magacaabo Maxamed Jawaari oo ka mid ah murashixiinta guddoonka Baarlamaanka Somaliya. Si weyn ayaa indhaha loogu hayaa doorashadaas oo saamayn ku yeelan doonta doorashada madaxweynaha.