Murashax Kanadiid Oo Ka Hadley Caqabadaha Horumar la’aaneed Ee Hor Taagan Gobalka Sool

0
472

Hargeysa(Geeska):-Murashax Kanadiid Cabdikariim Jaamac oo ka mid ah murashaxiinta dhawaan ka qeyb gali doona tar tanka doorashooyinka baarlamaanka ee fooda inagu soo haya,kana tirsan xisbiga Waddani,isla mar ahaantaana ka soo jeeda gobalka Sool, ayaa si adag uga hadley caqabadaha hor taagan xaalada horumar la’aaneed ee deegaamadaasi, waxaana uu carabka ku dhuftey in aanay haba-yaraate wax masuuliyad ah aanay deegaamada iska saarin siyaasiyinta iyo sida oo kale madaxda kala duwan ee xukuumadu u wakiilatay deegaamadaasi,sidii ay baahiyaha ay qabaan dadka deegamadaasi ku nooli ay u gaadhsiin lahaayeen mashaariicda horumarineed ee dalka laga wado. Md:Kanadiid Cabdikariim Jaamac ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn uu ka hadley baahiyaha ka taagan deegaamadaasi."Kaynadiid Cabdikariin Jaamac, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, sida oo kalena ka soo jeeda gobalada bariga ee Sool, ahna nin qurba joog ah,waxaan doonayaa in aan halkan kaga hadlo waxyaabaha ay bariga iyo gobaladaasi ay hadal hayaan ama ay doonayaan in wadankooda iyo shacabkooduba ay ka hadasho, oo aan doonayaa in aan halkan ka taab taabto waxii karaan kayga ah, oo aan halkan u imi in aan ka muujiyo baahida iyo wanaaga iyo waxyaabaha ay tabanayaan qeybaha Buuhoodle,Taleex iyo Boocane.marka sababaha aan xisbiga Waddani u soo galay ayaa ay ka mid tahay in Illaahaybaa baahiyahaas wax ka qaban karee aan wax ka qabano, marka horena waxa ii qorsheysan waxa weeye in ay Somaliland ay mid noqoto, oo ay dadku arragtida ay meel wada dhigtaan”Ayuu yidhi Murashax Kanadiid Cabdikariim Jaamac. Md:Kanadiid Cabdikariim Jaamac oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaana aad mooda runtii in bariga dadkii loo igmaday ee hada dawlada la shaqeeya ee gobaladaas ka soo jeeda in waxqabadkoodii iyo wax tarkoodii loo igmaday in ay muujiyaan in hada hadana aad moodo in xidhiidhka Somaliland ee halkaasi uu hadana ka kad soo galay, oo aan u arragno in baahidii wax qabadka ee dhinaca caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashadaba iyo guud ahaanba dee dadaalkii kale ee loo igmaday in uu aad u sii gaabinaayo, laakiin awoodooda iyo waxqabadkooda in la'la barbartaagnaado oo dadkaas wax la taro, oo waxa ay tabanayaan laga keeno deetana marka danbe loo hadlo.runtii waxa aad mooda in isku xidhkii uu meesha ka baxay oo dawladii dadkii ay halkaa u igmatay ay gabeen hawshoodii, dadkiina ay baahidoodii badatay, waxay doonayeen ama ay codsadeena aanay waxba ka soo noqonayn.Somaliland Saddexdii madaxweyne ee kan ka horeeyey ma jirin uraradan nabad diidka ah, laakiin hada maxaa keenay, waxa keenay waxa weeye waxii ay dadkaasi u baahnaayeen iyo dadaalkii loo baahnaa ayaa meesha ka sii baxaaya". Murashax Kanadiid Cabdikariim Jaamac, oo sida oo kalena ah qurbo joog ka yimi dalka dibadisa ayaa waxaa uu sheegay in aanay xukuumadu wax daba gal ahayn ah ku samayn 2%-da horumarineed ee xukuumada uga qorsheysan gobalada bari ee Somaliland in ay sideeda u fuleen iyo in kale. "Runtii gobalka Sool waxaa uu uga danbeeyo gobalada kale waa ay iska cadey, waxa weeyana dawladu dad ayey u igmatay oo halkaas u dhashey oo iyaguna waxa ay ka faa'ideysteen mar walba Hargeysa la'lama dhaafo, cid ka daba hadasho oo la yidhaahdo waxii shalay aan ka wada hadalney ama aad soo qabatey bal na tus, magaaladii maxaad ku soo kordhiseen bal na tus, shacabkii waxii aad ugeyseen ee 2%-ka ahaa xaguu marey sanadkaa ina soo dhaafey, cid weydiisaa ma jirto.Intaan Hargeysa dhexmaraayey waxa qudha ee aan isweydiinaayey waxa weeye waar maxay Sool uga danbeysaa gobalada kale ee Somaliland, oo sababta oo ah dee madaxdeedii ayaaba inta ay Hargeysa guryo cad cad ka kireysteen, oo dee wax ay geeyaan iska daaye kamaba warhayaan, Illaa hadana waxa gobalada bari lagu faani karo oo aan nabada ahayn ma jirto, laakiin dadkii Jaamacadihii caafimaadkii, waxabarashadii tayadoodii ee ay Burco,Boorama, Hargeysa iyo Ceerigaababa ay leeyihiin way ka arradan tahay Sool iyo deegaamada Bariba.xukuumada hada jirtaana aanay ka war haynba oo aanay is dareen sin, se waxaanay ogeyn in Somaliland qeyb dhami ay bukto, wax ay u buktana maaha, waxa laga doonayaa waxa weeye in waxii loogu codeeyey laga helo, oo ay dadka wax u qabato"Ayuu yidhi Kanadii Cabdikariim Jaamac.