Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Xukun Daldalaad Ah Ku Fuliyay Adeerkii

7
588

Dawladda waqooyiga Kuuriya ayaa daldashay Jang Song-taek oo adeer u ah hoggaamiyaha ah keli tailye da’yar ee dalkaas, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka horyimid wiilkaas uu adeerk u yahay.

Waxa walwal laga qabaa xasiiloonida woqooyiga Kuuriya kaddib markii la daldalay ninka awoodda badnaa ee adeerka u ahaa hoggaamiyaha dalkaas. Jhang Song-taek ayaa horey u ahaa nin awood badan ku dhex leh dalkaas.

Pyongyang ayaa sheegtay in maxkamad milateri oo gaar ah ay ninkan ku heshay danbi ah in uu doonayay in si xoog ah uu kula wareego awooda dalkaasi.

Warkan ayaa sababay in caalamka uu ka walwalo xasiloonida dalkaasi shuuciga ee haysta hubka Nukliyarka. Madaxweynaha Koonfur Kuuriya Geun-Hye, ayaa ku eedeeyey Waqooyiga Kuuriya, in ay fuliyeen xukun argegax leh.

Billawgii toddobaadkan ayay ciidan ilaalo ah Jan ka soo saareen shir gaar ah oo uu lahaa xisbiga talada haya ee dalkaas, waxaana markaas ka dib laga xayuubiyay xilkii uu hayay ee ahaa taliyaha labaad ee guddiga difaaca dalkaas. Waxaana khamiistii lagu fuliyay dilkaas.

Wakaaladda wararka ee Woqooyiga Koreya ayaa sheegtay in Jang Song-taek “uu ka xun yahay xayawaanka eyga ah”.

 

Comments are closed.