Hay’adda Mercy Corps Oo Dugsi Sare Ka Hirgalisay Gabiley

4
650

Picture1Gabiley (Geeska)  – Hay’adda Caalamiga ah ee MERCY CORPS, oo gacan dhaqaale ka helaysa hay’adda deeqaha Maraykanka ee USAID, ayaa dugsi sare oo ka kooban afar fasal, xafiis, Suuliyo iyo Taangigii biyaha ka hirgalisay Magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley.

Dugsigan sare ee Hay’adda MERCY CORPS, ka hirgalisay degmada Gabiley oo noqonaya kii labaad ee Abid Magaaladaasi yeelato, ayaa waxa Khamiistii doraad si rasmi ah loogu wareejiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sar ee Somaliland oo la wareegtay masuuliyaddiisa iyo sidii loogu soo wareejin lahaa ardayda culayska ku haysa dugsiga sare ee Qalax.

Munaasibad hay’adda MERCY CORPS, ku wareejisay Dugsigan sare oo loo bixiyey (New Gabiley Secondary School), ayaa waxa ka qayb-galay badhasaabka Gobolka Gabiley, Yuusuf Ibraahim Geeddi, Agaasimaha Waaxda Dugsiyada sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Gabiley ee Wasaaradda Waxbarashada Cali Aaden Bayle, Mr Josephet Mukhanji oo ah Madaxa Mashruuca KALKAAL ee Mercy Corps oo dugsigani ka mid yahay hawlaha muhiimka ah ee ay dalka ka fuliyeen iyo weliba Maxamed Cabdilaahi oo ah ku simaha madaxda  MERCY CORPS ee xafiiska Hargeysa.

Xafladda dugsigan lagu furay isla-markaana hay’addu ku wareejiyey, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay

Ku Simaha Madaxa Xafiiska Mercy Corps ee Hargeysa, Maxamed Cabdilaahi, waxaanu halkaasi ku faahfaahiyey waxqabadyada hay’addu ka geysatay deegaanada Gobolka Gabiley, waxaanu yidhi “Anniga oo ka wakiil ah hay’adda Mercy Corps, waxaan u mahad-naqayaa Madaxda Gobolka Gabiley, madaxda wasaaradda waxbarashada, bulshada Gobolka Gabiley, gaar ahaan kuwo iskuulkan masuulka ka noqonaya, haddii aan la iskaashana waxba inooma suurtogaleen, Gabiley waa meelaha lagu tuhmayo waxbarashada, faa’idada waxbarashadana waxbay ka arkeen, markaa waxaan ku boorinayaa inay wiilal iyo gabdhaba qoraan dugsiga, hablihiinu wali way ka yar yihiin wiilasha iskuulka, waxaan idinku boorinayaa inaad waxbarashada hablaha kordhisaan, meel kasta waddankeena”

Maxamed Cabdilaahi, waxa kale oo uu sheegay “Mercy Corps, kuma cusba gobolka Gabiley, hadda ka hor waxaanu dugsiyo hoose ka dhisnay Jijiile, Laan-barwaaqo, Kalabaydhna dayactir iyo balaadhin ayaanu ku samaynay dugsiga dhexe, deegaanka Caada waxaanu ka dhisnay dugsi, maantana (khamiistii) waxaanu wareejinaynaa dugsigan sare, waxaana suurto-gal ah inay waxtar kale ka geysato gobolka Gabiley” ayuu yidhi.

Mr Josephet Mukhanji, oo ah Madaxa Mashruuca Kalkaal oo uu dugsigani qayb ka yahay barnaamijyada uu fuliyey, ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo ku taxaluqa dhismaha dugsigan, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay waayo ilaa afar bilood ka hor waxaanu nimid annaga eegayna meesha oo cidlo ah, imikana Iskuulkaasi ayaa ka dhisan, oo afar Fasal iyo inta soo raacaysa ah, waxaan aad iyo aad ugu Mahad-naqayaa Wasaaradda waxbarashada iyo Madaxda sare ee Gobolka Gabiley oo suurto-galiyey”

Mr Josephet Mukhanji, oo sii hadlaya ayaa yidhi “Anniga oo si daacad ah idiinku waramaya, hawsha dhismaha dugsigu way fududahay, marka la barbar dhigo sida hadhow loo socodsiinayo, oo u baahan dhabar adeyg, markaa waxaan idinku boorinayaa inaad keentaan ardaydii iskuulkan gali lahayd, wayna jiraan arday xaafadaha iskuulkani ka dhisan yahay u dhashay oo iskuulada kale cidhiidhyayaana way jiraan, iskuulkana waxa uu fursad u noqonayaa inay soo kala fududaadaan, kuwo dambe oo la qorayaana way jiraan, waxa xil naga saaran yahay oo aynu iska kaashanaynaa sidii waxbarashada loo tayeyn lahaa” ayuu yidhi.

Cabdiraxmaan Muuse Geedi, oo ku hadlayay Magaca dadka deegaanka laga hirgaliyey dugsigan oo ku yaala dacalka galbeed ee Magaalada Gabiley, gaar ahaan deegaanka Jameecada, ayaa yidhi “Waxa Mahad Leh ILAAHAY oo ina garan siiyay naynu wax qabsano ee diin iyo dadnimo-ba innagu ilhaamiyey, dugsigan laga dhisay Jameecada (Gabiley) hay’addii dhistay aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, waayo wax weyn ayay qabatay”

Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Gabiley Cali Aaden Bayle, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hay’adda Mercy Corps uga mahad-celiyay dhismaha dugsigan oo uu sheegay inuu wax badan ka tari doono kor u qaadida waxbarashada gobolka Gabiley iyo waliba kordhinta hablaha.

Munaasibaddan oo uu ka hadlay Agaasimaha waaxda dugsiyada sare ee Wasaaradda waxbarashada Somaliland,oo sheegay in hablaha dugsiga sare ka soo baxa ay u banaan yihiin fursado badan oo shaqo, sida inay noqdaan kormeerayaasha Wasaaradda waxbarashada ee gobollada dalka, ayaa waxa soo gabogabeeyay Badhasaabka Gobolka Gabiley, Yuusuf Ibraahim Geeddi, waxaanu yidhi ““Hay’adda Mercy Corps iyo Wasiirka Waxbarashada Somaliland, waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin, xilkiinii waad ka soo baxdeen, annaga ayuu xilkayagii hadhay, oo annaga ayay waajibkayaga tahay sidii iskuulkan loo daryeeli lahaa ee wiilal iyo hablaba loo qori lahaa iyo sidii culayska looga dulqaadi lahaa iskuulka Qalax”

 

Comments are closed.