“Gaadhigeenii Daqiiqado Ayuu Ku Baaba’ayaa, Kursigeenii Daqiiqaduu Ku Jabayaa, Masuuliyadii Oo Dhan Ayaa Inagu Wada Yar.”

0
695

Madaxweyne-xigeen Saylici

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cadiraxmaan Ismaacil Saylici ayaa ku tilmaamay haayadaha dawlada sababta ay koritaan u samayn waayeen in aanay jirin wax lexejeclo ah oo ay masuuliyiinta iyo shaqaaluhu ka leeyihiin.

Waxa madaxweyne ku xigeenka Somalilad sheegay in meesha ay ka maqan yihiin dhugmadii iyo wadaniyadii qofka shaqaalaha ah ee reer Somaliland uu dareemi lahaa, waxaanu sidan ku sheegay isaga oo ka hadlaayay xaflad ay lahayd madbacada qaranku, waxaanu yidhi“ Nin waliba marka uu meesha yimaado ee daf daf cusub ayuu la yimaado hadhow marka uu sanad joogana si uunbuu u banjaraa masuuliyiinta dawlada, nin walba waxa uu yidhaahdaa meesha waxba uguma iman imika ayuunbaan kor u qaadayaa isaguna saacada danbe halkii uunbuu gaadhaa, waxa inaga maqan daacadnimada iyo in qof waliba uu noqdo masuul dhisa meeshiisa iyo haayada loo dhiibay masuuliyadeeda,  hadii u qofku diyaar u yahay oo uu shaqaale firfircoona helo meesha uu ugu yimi waa uu badali karaa, waxa gaar loo leeyahaa ee aynu ka hadlaynona waxa ka dhigay waa ka go’naanta  iyo lexejeclada uu u leeyahay shayga, wax badan ayaa naga qaladan inaga oo aan ka dhaqaale yarayn meelihii gaarka loo lahaa ayaa hadana waxeena oo dhami ay wada qabyo yihiin.”

Saylici oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxii ina soo gala ayaan lexejeclo loo hayn gaadhigeenii daqiiqado ayuu ku baaba’ayaa, kursigeenii daqiiqaduu ku jabyaa ma suuliyadii oo dhan ayaa inagu wada yar,hadii aynaan masuuliyada dhamaanteen is wada saarin madax iyo shaqaaleba wax inoo hagaagayaa ma jiraan, mushkiladuna waxa weeye inaan ogaano in xilka aan wada leenahay, waxa u yar oo aynaan ka fikirin laydhkaas aan ka cabano, waxa dhacda waaga oo baryay laydhka oo wada shidan nin kaliyaata oo ku fikiraaya oo madax ama shaqaale ah oo laydhkaas dibada ka baxaaya  inuu bakhtiiyo ma jiro,maalin dhawayd odayaasheenii booliska nin ka mid ahaa  waxa uu yidhi barigii Ingiriisku kacay  ayaa uu oday booliska ka mid ahaa soo galay saldhiga  Hargeysa markaasu yidhi waar Ingiriiskii miyuu inaga tagay,haa, hadaba yaa laydhka inoo bakhtiin doona,bal halka la joogo eeg waa lixdan sano ka hor, wali waxa aanay dadkeenu dhug u lahayn in waxani wax isaga ka go’an ay yihiin, oo biyaha maalayacniga ku socda inuu isagu leeyahay aanu dareensanayn,markaas masuuliyada wadareed iyo wadaniyada ayaad moodaa inay inaga wada dhiman tahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here